Karisma Kapoor iyo Sunny Doel oo loo haysto fal-dembiyeed ay galeen iyaga oo film jilaya!!

0

(Hadalsame) 24 Nof 2021 – Xiddigga caanka ah ee Bollywoodka Hindiya, Sunny Doel oo ay aad u yaqaannaan Soomaalida filimada daawata ayaa soo sameeyay rogaal celin, waxaana uu ku mashquulsan yahay filimkiisa cusub ee Apne 2 oo la filayo inuu soo baxo sanadka foodda nagu soo haya.

Atoorahan oo xubin ka ah baarlamaanka Hindiya ayaa shaqada jilliinka ka fadhiyay tan iyo sanadkii 2019-kii, waxaana isla sanadkaas uu wajahay maxkamadeyn ay ku wehlineysay atariishada lagu magacaabo Karisma Kapoor.

Bishii September ee sanadkii 2019-kii, Karisma Kapoor iyo Sunny Doel ayaa lagu soo oogay kiis maxkamadeed oo ku saabsan fal dambiyeed lagu eedeeyay inay galeen xilli ay sameynayeen mid ka mid ah filimadooda laga daba dhacay.

Maxkamad qaadda kiisaska la xiriira gaadiidka tareennada ayaa diyaarisay dacwad ka dhan ah Atooraha siyaasiga isku baddalay, Sunny Deol iyo atariishada, sida ay shaaciyeen Wargeyska Hindustan Times, telefishinka NDTV, iyo warbaahinta kale ee dalka Hindiya.

Bishii October ayay maxkamadda kiiska gacanta ku heysay laashay, waxaana sidaas lagu bari yeelay labada xiddig.

Muxuu ahaa kiisku?

Labada jilaa ee sida weyn looga yaqaanno Hindiya iyo guud ahaan dunidaba ayaa loo maxkamadeynayay eedeyn ku saabsan in iyagoo filim jilaya ay bixiyeen mid ka mid ah biraha silsiladda ah ee uu tareenka ku socdo, muddo ka badan 20 sano ka hor.

Falka lagu eedeeyay inay sameeyeen ayaa halis galin karay habsami u socodka tareenka, oo ay dad badan ku safraan, hase yeeshee wuxuu sababay in mid ka mid ah tareennada la hakiyo muddo 25 daqiiqo ah.

Dacwad oogeyaaha ayaa sheegay in Atooraha iyo Atariishadu ay si sharci darro ah u sameeyeen ficilkaas, mar laga duubayay filim ay sameeyeen sanadkii 1997-kii.

Sunny Deol iyo Karisma Kapoor ayaa isku dayay inay sameeyaan loollan kiiskaas lagu hakinayo, sida uu sheegay AK Jain, oo hoggaaminaya qareennada u doodaya labada jilaa.

.

NDTV Sunny Deol iyo Karisma Kapoor

Qareennada ayaa sheegay in dacwaddan markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 2009-kii, markaasoo labada jilaa ay loollan ku galiyeen kulan maxkamadda ay sameysay bishii Abriil ee sanadkii 2010-kii.

Hase yeeshee maxkamadda ayaa mar kale kiiskan diyaarisay 17-kii Sitembar, 2019, sida uu sheegay Mr Jain.

Marka laga soo tago Sunny Deol iyo Karisma Kapoor, waxaa eedeyntaas sidoo kale loo jeediyay , stuntman Tinu Verma iyo Satish Shah, balse ma aysan isku dayin inay kiiska hakiyaan sanadkii 2010-kii.

Sanadkii 1997-kii, marka ay arrintan dhaceysay, Sunny Deol, Karisma Kapoor iyo shaqaalaha kale ee Bollywood-ka ayaa ku howlanaa jilista filimka lagu magacaabo ”Bajrang”, waxayna ku sugnaayeen tuulada Sanvarda oo ka tirsan degmada Ajmer ee gobolka Rajasthan.

Rakaateyn

.

Sunny Doel ayaa jilay filimo xasuus ku yeeshay dad ay ka mid yihiin Soomaalida

Karisma Kapoor iyo Sunny Doel ayaa dood ka keenay kiiska, iyagoo sheegay in arrintaasi ay tahay rakaateyn labadooda looga doonayay lacag, ama lagu dhibaateynayay.

Garsooreyaasha maxkamadda Rajistan ayaa labada jilaa ka baabi’isay eedeynta ku saabsan kiiska 22 jirsaday xilligaas ee muddada dheer jiitamayay.

Garsoore Pawan Kumar ayaa Sunny Doel iyo Karisma Kapoor ka dul qaaday culeys ay muddo dheer dareemayeen, sida uu warbaahinta u sheegay sheegay A K Jain.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media