Fasiraadaha RIYOOYIN laga yaabo inaad marar badan aragtay (Maxaa ka mid ah?)

0

(Hadalsame) 23 Nof 2021 – Waxaan halkan idiinkugu haynaa dhowr tafsiir oo laga bixiyey riyooyinka oo ka mid ah waxyaabaha inta badan dahsoon ee aan xogaha badan weli laga haynin ee uu insaanku la kulmo.

1 – Haddii aad ku riyooto adigoo dhimanaya ama dhintay, ogow in cimrigaagu dheeraan doono.

2 – Haddii aad ku riyooto adigoo cunaya malab cad, waxay caddeyn u tahay inaad ka caafimaadi doonto xanuun aad qabtay.

3 – Haddii aad ku riyooto adigoo qof ka cararaaya, ogow inuu jiro qof kaa maseyrsan ama raba inuu ku hagardaamiyo.

4 – Haddii aad soo toosto adigoo weli riyadii xalay xusuusan ama aad maalintoo dhan riyadii xusuusan tahay, waxay caddeynaysaa in riyadaasi aysan aheyn riyo caadi ah ee ay tahay fariin adiga kugu socota.

5 – Adigoo faras saaran haddii aad ku riyootid waxay caddeynaysaa inaad Hanti badan heli doontid, ama aad safar geli doontid.

6 – Haddii aad ku riyooto adigoo duulaya, waxay caddeynaysaa inaad dhibaatooyin ku haysta ay kaa fududaan doonaan، ama waxay noqon kartaa inaad hoggaan iyo mas’uuliyad qaadi doonto.

7 – Haddii aad ku riyooto mas ogow inuu jiro qof raba inuu dhibaato ku gaarsiiyo.

8 – Haddii aad ku riyooto qof aad taqaano oo dhintay, waxay caddeynsaa inaad qofkaas is khilaafi doontaan ama aad kala fogaan doontaan.

9 – Haddii aad ku riyooto abeeso, dib qalooc, Ey, Doofaar, Daanyeer, Musqul, Nijaaso, badanaa waxay sheegaan in qofka la sixray.

10 – Haddii aad hal riyo dhowr habeen aragto oo ay kugu soo laalaabato, ogow in arinka aad ku riyootay uu yahay arin muhiim ah, oo la rabo inaad fariintaa fahamto.

F.G: Haddii aad riyooto, waxa aad ku riyootay hadday yihiin wax xun riyadaas cidna ha u sheegin sheydaankana iska naar, haddii aad ku riyooto wax fiican riyadaada waxaad u geysaa qof Cilmi u leh fasiraadda riyooyinka oo aad ku kalsoon tahay.

Fasirka riyooyinkan waxaan ka soo guuriyey kitaab uu qoray Ibnu siiriin oo ah Caalim ku takhasusay fasiraadda riyooyinka.

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalka.

W; D: Mustaf Cawil Xasan

Hadalsame Media