”Ma qaban wixii uu ballanqaaday!” – RW Rooble oo loo jeediyey eed aad u culus!

0

(Muqdisho) 22 Nof 2021 – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa eed culus u jeediyey Raysalwasaare Max’ed Xuseen Rooble oo uu ku eedeeyey inuu ka bayray jidkii loo jeexey inay xukuumaddiisu ku shaqayso.

”Waxaa lagu aaminnay, isaguna ballanqaaday in uu qabanayo doorashado xalaal ah, wuxuu shacabka u ballanqaaday in uu kiiska Ikraan Tahliil caddaalad u raadinayo. Wuxuu guddi u saaray dhallinyaradii Eritrea loo qaaday, waalidkoodna aysan war iyo wacaal ka helin.

”Doorashadii waa taas iyadoo odayaashii iyo ergadiiba la aqoon musharraxiintii isdiiwaan gelinayaan. Raggii eedda Ikraan loo haystay waa taa la beri yeelay, wiilashii Soomaaliyeed ee Eretrea ku maqanna warkooda iska daa,” ayuu Warsame warkiisa ku bilaabay.

”Waxaan oo idil waxey dhaceen, kaddib safarkii shakiga dhaliyey ee uu Raysalwasaaruhu dalka Qatar ku tegey. Waxaan kaloo ogeyn in RW Rooble uu qayb ka yahay qorshaha AMISOM dalka looga saarayo.

”In uu ogyahay terminal khaaska ee Garoonka Aadan Cade ku yaalla ee ay diyaaradaha gaar ah ee Qatar iyo Eretrea ka yimaada ka soo degaan. Ujeedka ugu danbeeyana uu yahay in Al-Shabaab dalka loo gacan geliyo. Mar kale ayaa masiirka dalka iyo majaraha dowlad dhiska la habaabin rabaa.

”Waxaan shaki ku jirin in folkaanaha cabbursan ee dulmiga, caddaalad darrida, ku tumashada xuquuqda muwaadinta, ku takri falka awoodda iyo hantida ummadda uu qarxi doono, laakiin ma garan karo nooca baaruudda qarxisada ah(trigger).

”Waxaa loo baahan yahay dhiirranaan iyo ku dhac looga hortago qaraxa folkaanaha soo socda oo inna wada galaafan doona, sidii Afgaanistaan ama Itoobiya ka dhacday.” ayuu warkiisa kusoo afjaray.

Dad badan oo ay ugu horreeyaan waxgaradka Soomaalida iyo xitaa beesha caalamka ayaa aad u dhaliilay qaabka aan daaha-furnayn ee doorashada Somalia & weliba sida gaabiska ama aan jadwalka lahayn ee ee ay ku socotaba.

Hadalsame Media