Dokumentiyo la dusiyey oo muujinaya sida ay Dowladda Kenya u beegsanayso shirkadaha Soomaalida (Arag dokumentiyada)

0

(Nairobi) 22 Nof 2021 – Hay’ad ka mid ah kuwa ugu muhiimsan dalka Kenya oo ku qaybsan canshuur ururinta dalkaasi ayaa lagu eedaynayaa inay si gaar ah u beegsanayso Soomaalida.

Hay’addan oo Wakaaladda Dakhliga Kenya ee KRA, ayaa la sheegayaa in ay calaamaysay ilaa 20 hay’adood oo la sheegay inay halis ku jiraan, sida ku cad dokumenti la dusiyey oo kasoo baxay Md J Kaguru, oo ah Agaasime Xigeenka hay’addan.

Tan ugu darani waa in 20-ka shirkadood ee farta lagu fiiqay 17 ka tirsani ay Soomaaliyi leedahay, kuwaasoo saldhigta xaafadda Eastleigh ee uu inta badan ka socdo ganacsiga Soomaalidu.

Waxaa xogtan soo bandhigay Lord Abraham Mutai oo ah gayfane u dooda cadaaladda iyo xukun wanaagga kaasoo u dhashay isla dalka Kenya.

Hadalsame Media