Boqorka dal Yurub ah oo abaalmarin guddoonsiiyey Gabar Soomaali ah & waxa ay ku galabsatay (Dhegeyso warkeeda)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2021 – Muna Idow waa gabar maalmo ka hor boqorka Sweden gudoonsiiyey abaal marinta la siiyo dhalinyarada bulshada wax wanaagsan ku soo kordhiya.

“Waxeey aheyd Riyo aannan weligeey ku riyoon ineey dhaceyo” ayey tiri Muna Idow oo laanta afka soomaliga u warameeysay.

Muno ayaa sidoo xustay in nolosheeda ay mar halis gashay maadama eeysan aqoon dabaasha, ka dibna go’aansatay in ay barato.

Hadalsame Media