Maxay tahay danta uu Shiinuhu ku ilaashanayo dalka Somalia (QM oo uu olole ka wado)

0

(Hadalsame) 22 Nof 2021Shiinaha ayaa sanadihii dambe bilaabay inuu isu muujiyo dal u doodaya danaha iyo madax bannaanida Somalia, isagoo dhowr hadal oo af kala bax ah ka jeediyey QM.

Yeelkeede, tiiyoo aanu Shiinuhu wax badan tarin Somalia xilliyadii burburka, misna danayntan cusub ayaa la fahamsan yahay inay salka ku hayso dano dhaqaale oo uu ka leeyahay dalka Somalia, gaar ahaan dhanka kalluunka oo ah khayraad baylah ah oo ay Somalia hodon ku tahay.

Shiinaha ayaa tusaale ahaan ka gaabsaday codayntii ugu dambaysey ee Golaha Amaanka ee QM ee lagu dheereeyey in lasii ambaqaado cunaqabataynta hubka ka saaran dalka Somalia oo haatan 30 sano dhaaftay. ”Shiinuhu wuxuu u aamusay si uu u ilaashado danihiisa kalluumaysi ee Somalia.” ayuu yiri qof u dhuun daloola arrimahan oo ka aragti dhiibtey warkii arrintan ku saabsanaa.

Shiinaha oo “baahi aan la dherjin karin” u qaba cunto badeedka darayga ah ee ceegaagta dalal ay Somalia ku jirto, ayaa ku qamaamay xeebaha koonfurta Ameerika halkaasoo aysan dalalka ku yaallaa xakamayn karin xad badeedkooda, sida 13-kii Diseembar lagu faafiyay maqaal lagu qoray Dialogo, oo ah web hoos taga Taliska Koonfureed ee Maraykanka.

Dalal badan oo qaaqama badaha Baasifigga iyo Atlaantigga ayay saamaysay arrintani, iyadoo Shiinaha lagu eedeeyay inuu yahay wax ma reebe sidii ayaxii u xaalufinaya badda isla markaana aan ogolayn inay agagaarkiisa ka kalluumaystaan doomaha kale ee dalalka goboladaasi.

Juan Carlos Sueiro, oo ah Agaasimaha Iskaashatada Kalluumaysatada dalka Peru, kana tirsan urur u dhaqdhaqaaqa bay’adda dhanka badda oo Oceana la yiraahdo ayaa u sheegay Dialogo in Peru iyo Argentina ay arkeen “raxantii ugu ballaarnayd ee maraakiib kalluumaysi ah ee abid lagu arko badda.”

“Ma aha inaan diidayno inay ka kalluumaystaan biyaha caalamiga ah, balse tan muranka abuuraysaa waa inay soo gelayaan biyaha maxalliga ah ee Peru, iyagoo aan rukhsad ama aqoonsi ka haysan dowladda Peru,” ayuu Sueiro webka u sheegay.

Shiinaha ayaa la sheegay inuu kalluunkii ka yaraaday xeebihiisa, kaddibna uu la yimid qorshe cusub oo uu kaga kalluumaysanayo biyaha caalamiga ah, kuwaasoo gaarey dhulal u fog sida Argentina – halkaasoo ay isku dheceen ilaalada xeebaha waxaana dooni kalluumaysi laga quusiyay Shiinaha.

Indonesia ayaa iyaduna waxay qarxisey doonyo la qabtay iyagoo si sharci darro ah uga jillbaanaya badaheeda oo ay ku jiraan kuwo badan oo Shiinuhu leeyahay, iyadoo uu wasiirka kalluumaysiga dalkaasi yiri hadal muujinaya qarada dhibkooda oo ahaa “waxa ay Shiinuhu samaynayaan ma aha kalluumaysi ee waa dembi caalami ah oo abaabulan.”

Shiinaha ayaa sidoo kale ka baxay heshiis ay wada galeen 9 dal oo uu Shiinuhu ku jiro iyo Midowga Yurub 2017, kaasoo dhigayay in aan 16 sano laga kalluumaysan Badda qaboow ee cirifka adduunka, si cilmi baaris loogu sameeyo.

Afrika dalal badan oo ay Somalia ku jirto ayaa iskaga saxiixa heshiisyo aan kala caddayn, waxaana la sheegay in ay Shiinuhu wershado ay kalluunka ku gasacadeeyaan oo maxalli ah.

Dowladda Somalia ayaa horraantii 2019-kii heshiis aan daah-furnayn oo ay dad badani u arkeen mid hoowtal hamag ah la gashay Shiinaha kaasoo aan kala caddaynayn cidda la socon doonta xaddiga kalluunka ay qaadanayaan, kharashka laga helayo iyo xilliga uu ku egyahay. Waa inay dowladda Somalia heshiiskaa ka fiirsataa.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media