SAWIRRO & MUUQAAL: 50 milyan oo carsaanyo ah oo mar qura iskugu soo baxay Australia (Jidad loo xirey & buundooyin loosii dhisay)

0

(Hadalsame) 19 Nof 2021 – Dadka dalxiiska ah ayaa ku indha-daraandaray kaddib markii ay arkeen malaayiin carsaanyo ah oo kusoo qamaamay jidadka si ay u sameeyaan baqool sanadeedkooda ay ku tagaan jasiiradda quruxda badan ee Christmas Island.

Carsaanyadan ayaa gaaraysa ilaa 50 milyan oo ah nooca cas cas ayaa safarkeeda aalaaba kasoo bilowda National Park oo ku yaalla Woqooyiga galbeed Australia. Halkan ka daawo sawirrada….

Dadwaynaha maxalliga ah iyo kuwa dalxiiska ah ayaa sheedda ka sawiranayey wax lagu tilmaamo mid ka mid ah tahriibyada ugu ballaaran dunida, kaasoo jasiiradda dhan casaan u roga.

Maamullada maxalliga ah ee dhulalka ay sii marayaan oo aad u dheer ugu yaraan dhanka badda ayaa waxay dhanka berriga uga sameeyeen kaabado yar yar iyo meelo ay ka xaluushaan, iyadoo la xirey jidadka ay marayaan dadkana looga digey inay gawaari ku kexeeyaan ama maraanba.

Dr Tanya Detto, oo barnaamijka xayawaannada baqoola ugu qaybsan Christmas Island, ayaa Daily Mail Australia u sheegtay inaysan arag tiro intan la’eg oo carsaanyo tan iyo 2005-tii.

Hadalsame Media