Siyaasi lagu qabtay isagoo aan ku dhaqmayn amar uu dadwaynaha kusoo rogey oo lagu dheggan yahay! + Sawirro

0

(Berna) 19 Nof 2021 – Wasiirka Caafimaadka Switzerland, Alain Berset, oo ah shaqsiga dalkan ku soo rogay ama soo saara sharciyada iyo xanibaadaha la Corona ayaa markiisa lagu dhaganyahay kadib markii lagu gaaday sawir waxaana la arkay isagoo saaran tareenka SBB oo aan wadan af saab ama Face Mask.

Ninkaan oo ah shaqsi ay aad u necebyihiib dadka ka soo horjeeda sharciyada iyo xanibaadaha lagu soo rogay Wadanka ayaa jaanis ku helay waxeyna dalbanayaan in markiisa la ciqaabo ama la eryo.

Balse afhayeen u hadlay Wasiirka isla markaana ka tirsan 7-da golaha sare ee Federaalka Switzerland ayaa sheegay in masuulka uu xiligaasi uu cunteynayay.

Caadiyaan wadankan Facemaskga qasab ma ahan marka qofka uu cunteynayo ee la joogo maqaayadaha ama La raacayo Tareemada, sida uu qoray 20 Minuten.

Cabdiqani Cali Dalmar, Switzerland

Hadalsame Media