Turkiga oo sii daayey lamaane Israeli ah oo basaasnimo lagu eedeeyey (Guri muhim ah oo ay sawirayeen)

0

(Ankara) 18 Nof 2021 – Laba qof oo kala ahaa nin iyo xaaskiisa Israeli ah oo ay Turkigu basaas ku eedeeyeen ayaa lasii daayey iyagoo durba dib ugu duulay Israel.

Mordi iyo Natali Oknin, oo labaduba ah darawaliin bas, ayaa dalxiis ku joogey magaalada  Istanbul markii la qabtay iyaga oo sawirro ka qaadaya guriga MW Turkiga ee Recep Tayyip Erdogan.

Lamaanahan iyo Israel ayaa labaduba eedahan beeniyey, iyadoo ay saxaafadda Israel aad u buun buunisay arrintan oo ay sheegeen inay dhaawici karto xiriirka labada dhinac.

RW Yuhuudda Naftali Bennett & Wasiir Dibadeedkiisa Yair Lapid ayaa shir jaraa’id uga mahad celiyey Md Erdogan iyo xukuumaddiisa oo ay sheegeen inay “si wanaagsan ula shaqeeyeen”, iyadoo sidoo kale maanta lagu wadey inay telefoon ku wada hadlaan taasoo noqonaysa markii ugu horreeysey tan iyo 2013-kii.

Warbaahinta Turkish-ka oo iyaduna arrintan qaadaa dhigtay ayaa sheegtay in labadan qof ay soo sheegeen muwaadiniin ka shakiyey iyaga oo jooga dhanka Aasiya ee Istanbul, waxayna sawirro la dhacayeen qasri la dhisay xilligii Cusmaaniyiinta oo uu deggan yahay Md Erdogan.

Hadalsame Media