SAWIRRO: Muqdisho oo laga wado dhisme naqshaddiisa laga dheegtey dhiisha caanaha (Howl muhim ah oo lagu qaban doono)

0

(Muqdisho) 17 Nof 2021 – DF Somalia ayaa samaysay guddiyo heer qaran ah oo ka qayb qaata horumarinta iyo ilaalinta afka Soomaaliga oo aan wax horumarin ah oo micne leh helin tan iyo markii la qoray.

Waxaa haatan Muqdisho ka socda dhismaha Xarunta Akadamiyaha af Soomaaliga ee AGA, taasoo gebagebo ku dhow, waxaana fariisan doona khubarada af Soomaaliga iyo dadka luuqadaha ku xeel dheer.

Dhismahan ayaa leh naqshad gaar ah taasoo laga tixraacay haanta gacan samayska ah ee Soomaalida, taasoo aad muhim ugu ah dhaqanka Soomaalida maadaama lagu shubto caanaha iyo biyaha.

Hoos ka eeg sawirrada dhismaha oo haatan maraya wejigii ugu dambeeyey, kaasoo ka dhaxayn doona dhamaanba Soomaalida deggan Geeska Afrika.

Hadalsame Media