KULAMADA KALA-BAXA: Sidee loo kala saari doonaa 12 xul oo laga doonayo 3 usoo baxda Koobka Adduunka?

0

(Hadalsame) 17 Nof 2021 – Waxaa soo baxay dalal dhowr ah oo ka qayb qaadanaya KA2022 lagu qabanayo Qadar, halka ay qaar weli u dagaallami doonaan inay soo baxaan, waxaana ka mid ah dalalka Talyaaniga & Portugal oo kala qaaday labadii Euro ee ugu dambeeyey.

Haddaba, dalal 12 gaaraya oo ay 2 ka tirsani yihiin kuwii ugu fiicnaa UEFA Nations League, ayaa dheeli doona 3 boos oo qura, haddaba sidee u shaqeeyaa?

Isreebreeb cusub ayaa la qaban doonaa iyadaa la samaynayo 3 guruub oo min 4 xul ah, kuwaasoo ay hoggaaminayaan dalal 6 oo ay ka mid yihiin Italy, Portugal iyo Sweden taasoo ka dhigan inaysan kulanka hore is arkaynin, waxaana guruub kasta uu leeyahay nus-dhamaad & dhamaad (Final).

3-da dal ee 3-dan guruub ku guulaysta ayaa deeto ku biiraya 10-kii dal ee horay uga soo baxay dhanka Yurub.

Isreebreebka ayaa la samayn doonaa Jimce, bishan Nofeembar 26-keeda, isagoo Zurich ka dhici doona saacadda Bartamaha Yurub marka ay tahay 17:00 CET.

Kulamada ayaa deeto kala dhacaya 24 iyo 25-ka Maarso oo semifinal-ka ah iyo 28 iyo 29-ka Maarso oo final-ka.

SOO BAXAY: Belgium, Croatia, Denmark, England, France, Germany, Netherlands, Serbia, Spain, Switzerland

KALA BAXA: Austria (via UNL), Czech Republic (via UNL), Italy, North Macedonia, Poland, Portugal, Russia, Scotland, Sweden, Turkey, Ukraine, Wales

Hadalsame Media