Dalalka Maraykanka, UK & Norway oo shuruud cusub ku xirey bixinta lacagta doorashada (3 shuruudood)

0

(Muqdisho) 17 Nof 2021 – Safaaradaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa qoraalo ay u direen Ra’iisul Wasaaraha, Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiyda doorashada FEIT iyo SEIT ayaa waxay shuruud ku xireen bixinta dhaqaalaha ku baxaya doorashada ee ay horay Beesha Caalamka u ballanqaadeen.

Waxaana ay dalbadeen in qaybta ugu horreysa ee dhaqaalaha ay bixinayaan marka ay muuqato doorashada inay si habsami ah u socoto, kana bilaabato saddex dowlad goboleed, isla markaana lacagaha khidmada Musharaxiinta Xildhibaannada lagu soo shubo Bankiga Dhexe.

Sidoo kale qeybta labaad ee dhaqaalaha ay bixin doonaan markii saddex meelood labo meel laga qabto doorashada dhammaan goobaha ay ka dhaceyso doorashada.

Dowladaha Mareykanka, Ingiriiska iyo Norway ayaa sheegay inay bixinayaan lacagta dheeriga ah 3.7 milyan doollar.

Dhaqaalaha doorashooyinka guud ee ay codsadeen Xaafiiska Ra’iisalwasaare Rooble iyo Guddiga doorashooyinka heer federaal kaas oo gaaraya $27.2 milyan iyo $3 milyan oo laga codsaday dawladda maraykanka kaas oo lagu fulinayo howlaha guddiga doorashada ay ka qabanayaan deeganada ay doorashooyinku ka dhacayaan.

Shuruudaha lagu xiray ayaa waxaa ka mid ah:-

1 – In ugu yaraan sadex ka mid shanta maamul goboleed ay soo dhamaystiraan doorashada.

2 – In lacagta laga qaado musharixiinta lagu soo rido qasnada Bangida TSA (Treasury single account).

3 – In aanay doorashada taageeri doonin wixii ka danbeya 24 ka bisha December oo ah waqtigii uu qabtay Guddiga Doorashada heer Federaal in lagu soo dhamaystiri doon, taas oo macneheedu yahay in wadamada ku saxiixan warqadaan ay ka aamin bixi doonaan guud ahaan jadwal danbe iyo nidaam doorasho oo dib loogu dhawaaqo.

Waxaa intaas dheer oo ay bogaadiyeen sida ay ku socoto qoondada haweenka iyo in lagama maarmaan ay tahay in ay doorashadu ku dhacdo wado sax ah oo la aamini karo.

Waxaa Diyaariyey: Cabdicasiis Golf & Xasan Cadde

Hadalsame Media