Dal Yurubta galbeed ah oo sheegay inuu durba dareemayo qulqulka qaxooti kasoo galay dhanka Poland (Tirada soo gaartey?)

0

(Berna) 17 Nof 2021 – Switzerland waxa a sheegtay in ha ay dareentay culeyska qaxootiga ka imaanayo dhanka Poland.

Saaka aroortii ciidamada ilaalada Switzerland waxa ay gacanta ku dhigeen 38 muhaajiriin oo reer Afghanistan ah waxaana lagu qabtay xuduudka Switzerland iyo Austtia gaar ahaan Degmada Buchs SG ee Gobolla St Gallen.

Isla xuduudkas isbuucan aanu ku jirno ciidanka waxa ay ku qabteen muhaajiriin dhan 260 qof oo u badan Afghanistan.

Dhamaan muhaajiriinta lagu qabtay xuduudka Switzerland iyo Austria ayaa waxa ay ka soo talaabeen xadka Belarus iyo Poland .

Dowladda waxa ay sheegtay in ilaa bishii Juun ee sanadkan ay switzerland yimaadeen tahriibyaaal gaaraya 2500 qof.

Cabdiqani Cali Dalmar, Switzerland

Hadalsame Media