Waa maxay seddaxda “dembi” oo lagu eedeeyay mas’uulka Midowga Afrika ee laga eryay Somalia?!!

0

(Hadalsame) 09 Nof 2021 – Maalintii Khamiista ee isbuucii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegneyd 4-ta bisha November, 2021 waxaa wasaaradda Arrimaha dibadda ee Soomaaliya kasoo baxay amar dalka looga eryayo ku xigeenka wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Simon Mulongo. Maxay yihiin arrimaha loo cuskaday tallaabadaas?

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, ayaa sheegay in Mr Mulongo uu “ku kacay dambiyo waaweyn, go’aanka dalka looga eryayna uu ahaa mid loo baahnaa in mar horeba la qaato”.

Waxa uu si kooban u sheegay in saddex arrimood ay sabab u ahaayeen go’aanka.

‘Radkiisa waxaa lagu arkayo waxyaalo dambiyo ah’

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, oo ka hadlayay wareysi uu la yeeshay Sheekh Cabdi Xiersi – oo ka mid ah dadka caanka ka ah baraha bulshada – ayaa ugu horreyn sheegay in go’aanka persona non grata uu yahay mid aad u culus.

“Persona non grata waa arrin runtii aad u adag oo aan lagu degdegin, oo aan la sameynin, oo dowladaha inta badan ay aad uga gaabsadaan, indhaha ka qabsadaan, ayna maraan jidad kale oo qofka waddanka looga baddalo ama looga kaxeeyo, marka arrintaas annagu aad baan uga feejigneyn, waana ohnahay in halkaas wax la gaarsiiyo ma ahayn,” ayuu yiri.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud

Qoraalka sawirka, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud

Sidaas awgeed waxa uu wasiir Maxamed Cabdirisaaq sheegay in Simon Mulongo uu sameeyay waxyaabo dambiyo ah oo khasab ka dhigay in dalka laga eryo.

“Ninkan isaga ah, anigoo aanan rabin inaan hoos u galo, waxaan si guud kuugu sheegayaa in raad badan oo uu leeyahay lagu arkay waxyaalo dambiyo ah. Waddanka la joogo sharcigiisa waa in la dhowraa, sharafkiisa waa in la dhowraa,” ayuu yiri wasiirka.

1 – Heshiis uu burburiyay

Arrrimaha uu sameeyay waxaa ka mid ah “in uu burburiyay heshiis u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo Midowga Afrika”.

“Dowladda iyo Midowga Afrika arrimo ay ka wada hadleen, meel xarun ahayd oo u baahneyd in daryeel lagu sameeyo, dad Soomaaliyeed oo la xumeeyay, lagana gaaray go’aan ah in dadkaas la xumeeyay la daryeelo, xuquuqdooda la siiyo, sumcaddooda kor loo qaado, ayaa waxaa dhacday in heshiiskii meeshaas lagu gaaray la buriyay, oo uu ka dambeeyo ninkan,” ayuu yiri.

Wasiirka ma uusan shii sharrixin arrintaas balse waxa uu sheegay in “ay ahayd xaalad aad u weyn oo ugu dmabeyn meeshii xarunta ahayd la xiray, dadkiina la dayacay oo dhibaato badan ay ka dhalatay”.

Mohamed Abdirizak

XIGASHADA SAWIRKA,MOHAMED ABDIRIZAK/TWITTER

Isagoo sii wada hadalka ayuu yiri: “Arrintan ma aha mid sida aan u ogahay aan halkan uga hadli karo. Waxaa dhacday in dad xirfadleyaal ah, oo Soomaali ah, oo isla Midowga Afrika u shaqeeya, oo arrimahan wax ka ogaaday, warbixinno ka qoray, ka dhiidhiyay, u istaagay, in iyagiina dhinac la isaga leexiyay, oo lagu dabagalay, aargoosina loo geystay.”

2 – Inuu hor istaagay baaritaan ku saabsanaa dad la laayay

Waxyaabaha kale ee loo cuskaday go’aanka Soomaaliya looga eryay Mr Mulongo waxaa ka mid ah sida uu u wajahay dhacdo ku saabsaneyd dad Soomaali ah oo lagu laayay Shabeellaha Hoose.

“Waddamada uu dagaalku ka socdo ee ay ciidamada nabad ilaalinta joogaan mararka qaarkood khaladaad way dhacaan waxyaalo fool xunna way dhacaan, annaguna ujeeddadeennu waxay lahay sixitaan.

“Laakiin dad Soomaaliyeed ayaa meesha la yiraahdo Shabeellada Hoose, Golweyn, si ka baxsan bani’aadannimada loogu dilay, si kas ahna loo dilay. Dadkaas dilitaankoodii waxaa lagu sameeyay baaris ay isla Midowga Afrika fulinayeen, ileen waa hay’ad sharci dhowris ku shaqeyneysa, laakiin waxaa laga yaabaa inay shakhsiyaad xun xun ku jiraan.

“Baaritaankii inuu wax badan hor istaago ama marin habaabiyo ayuu isku dayay, arrintaasna markii ay nasoo gaartay aad baan uga caroonnay,” ayuu yiri Wasiirka.

3 – Farogelinta ganacsi ka socday Xalane

Mid ka mid ah qodobbada sababta u ah in Simon Mulongo, oo ah ku xigeenka Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya laga eryo waddanka waxaa ka mid ah inuu farogelin ku sameeyay ganacsiyada ka dhex socda xarunta Xalane, sida uu wasiirka sheegay.

“Waxaa jira dad Soomaali ah oo meeshaas Xalane ah ka ganacsada oo shirkado ku leh, iyagana wuxuu ku sameeyay farogelin uusan shaqo ku lahayn iyo faa’iido ka raadin,” ayuu yiri.

BBC-du ma xaqiijin karto in falalkaas uu ku kacay mas’uulka sare ee ka tirsan ururka Midowga Afrika.

Muxuu arrintan ka yiri Simon Mulongo?

Simon Mulongo

Qoraalka sawirka, Mr Mulongo ayaa sheegay in uusan wax khalad ah sameynin

Simon Mulongo oo dhankiisa ka hadlay tallaabada ay dowladda Soomaaliya waddanka uga eriday ayaa sheegay in go’aankaas uu yahay mid lama filaan ah islamarkaana uusan wax khalad ah galin, sida uu ku warramay wargeyska kasoo baxa dalka Uganda, ee Daily Monitor.

“Ma aanan fahmin ereyada ku qornaa warqadda, wax war ah kama hayo go’aanka mana garanayo sababta ka dambeysa” ayuu yiri diblumaasigan u dhashay Uganda xilli uu Khadka teleefoonka ugu warramay wargeyska.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq ayaa sheegay in arrinta Simon Mulongo ay wax badan xeeriyeen, meelo badanna uga dacwoodeen, balse waxba laga qaban waayay.

“Bishii April waxaan la hadlay Wakiilka Midowga Afrka ee Soomaaliya (Francisco Madeira), wax yar kaddibna shir aan Addis Ababa ugu tagay, waxaan golaha ay hoos tagaan AMISOM u sheegay in ninkaas uu waxyaabo badan sameeyay, waxaana dareensiiyay inaannaan rabin oo ay la baxaan.

“Mar kale ayaan arrintaas soo qaaday oo aan xasuusiyay in ninkaas nalaga wado, way socon weysay. Magaalada Kigali waxaan isku aragnay ku xigeenka madaxa Midowga Afrika, oo ah haweeney u dhalatay dalka Rwanda, waxaana u sheegay inaan ninkaas ka bixiyay digniino badan, haddana meeshii ugu dambeysay aan taagan nahay, jawaabna aan ka rabo marka aan gaaro Xamar, in ninkaas nalaga qaado.

“Waxaa ku xigtay in aan madaxda dalkiisa gaarsiiyay arrinkaas, ileen Uganda iyo annaga colaad nagama dhaxeyso, waan wada shaqeynaa, qof noocaasoo kale ah inuu xiriirkeenna xumeeyo ma oggolaan karno.

“Waxaa ku xigay inaan labo jeer ku daba galay haweeneydii ku xigeenka ahayd iyo guddoomiyihii golaha ay AMISOM hoos tagaan, kaddibna maalmo aan siiyay, markii ay dhici weysayna annagoo isla soconna dowladda Soomaaliyeed ayaannu go’aankaas ka qaadannay, ninkaasna sidaas buu ku baxay,” ayuu yiri Maxamed Cabdirisaaq.

Horay dowladda Soomaaliya ayaa go’aanka persona non grata uga soo saartay Ergeygii Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, kaasoo loo soo jeediyay eedeymo ku saabsan xad gudub uu u geystay qarannimada Soomaaliya.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media