”Waa nalaku soo duuley!” – Jarmanka oo ku baaqay in laga gaaro dalka Poland & Ruushka oo lagu eedeeyey in…

0

(Hadalsame) 09 Nof 2021 – Jarmanka ayaa sheegay in “dunida dimoqraadiga ah oo idil” looga baahan yahay inay il gaar ah u yeesheen, xilli ay Ruushka iyo Belarus ku eedeeyeen inay qaxooti badan kusoo fasaxeen xadka Poland-Belarus si ay u qasaan Galbeedka, sida uu yiri Wasiir Gudeedka Jarmanka Horst Seehofer.

Wuxuu soo jeediyey in Midowga Yurub ay u baahan yihiin inay u istaagaan wax uu ku sheegay “halis barxan” oo ah dan siyaasadeed oo qaxooti iyo soo galooti lagu socodsiinayo.

Booliiska Polish-ka ayaa xadkooda ku celinaya boqollaal qaxooti ah oo ay sheegeen inay halkaa kusoo horeen maamulka Belarusia oo gawaari kusoo gelbinaya, sida ay sheegeen.

Poland iyo dalal kale oo EU ah ayaa sheegay in Belarus ay hollinayso inay furto xasarad kale oo qaxooti oo Yurub ka dhacda iyagoo kaga aarduganaya dhaliil ay ay EU u jeediyeen MW Alexander Lukashenko oo caburin ku wada mucaaradka dalkiisa.

“Polish-ku waxay ilaa haatan qabteen shaqo wanaagsan. Ma aha in lagu dhaliilo ilaalinta xadka hore ee Yurub oo idil, taasoo ah adeeg muhim ah.” ayuu Seehofer u sheegay warqaadka Jarmanka ah ee Bild, isagoo xusay inay xitaa ciidan u dirayaan Poland haddii loo baahdo.

Dhanka kale, RW Poland, Mateusz Morawiecki, ayaa Moscow ku eedeeyey inay gadaal ka taagan tahay tillaabadan ay qaadayso Minsk, isagoo Putin ku eedeeyey “inuu wado qorshe ujeedkiisu yahay siyaasad dugsanaysa gumaysi cusub.”

Hadalsame Media