DUSIN: Laacibka ku guulaystey Abaalmarinta Ballon d’Or 2021 oo lasoo bandhigay!!

0

(Paris) 09 Nof 2021 – Waxaa soo baxaya warar dusin ah oo ku saabsan cidda runtii hanatay Kubadda Dahabiga ah ee Ballon d’Or dufcadda 2021-ka.

Majaladda France Football ayaa la sheegaya inay billadan bixinayso Isniin, 29-ka Nofeembar, iyadoo ay isku dhamaatay codayntii la samaynayey, isla markaana durba la diyaariyey qofka guulaystey iyo sida loo kala sarreeyo.

Waxaana soo baxaysa in laacibka guulaystey uu yaay Leo Messi oo haddii ay dhabowdo qaadanaya markiisii 7-aad.

Arrintan ayay dad badani durba gunuunuc ka bilaabeen iyadoo la hadal hayey laacibiin kale sida Jorginho, Lewandowsk iwm.

Hadalsame Media