Itoobiya oo wajahaysa jir-xumadii Galbeedka oo jabhad laga dhigay & halka ay iska jiireen (Maraykanka oo tillaabo cusub ku gooddiyey)

0

(Washington, DC) 04 Nof 2021 – Dowladda Itoobiya ayaa ku baaqday xaalad deg deg ah shalaytoole iyadoo muwaadiniinta ugu baaqday inay hubka qaataan oo ay caasimadda Addis Ababa difaacaan, jeer ay fallaagada Tigreega la sheegay inay usoo ruqaansadeen dhankaas.

Ciidamada TPLF oo horumar samaynayey tan iyo markii ay Ciidanka DF Itoobiya ay kasoo bexeen gobolka Tigraay bishii Juun, ayaa haatan garabsanaya fallaago kale, iyadoo haatan dagaal looga cabsanayo caasimadda.

RW Abiy Ahmed, ayaa soo rogitaanka xaaladda deg degga ah oo siinaya awoodo dheeraad ah uga faa’iidaysan kara inuu xirxiro mucaaradka islamarkaana uu xadido warbaahinta xorta ah, inuu soo rogo bandow iyo in qof kasta oo 18-jir ka wayn la qafaalo oo furunta loo diro.

Jeffrey Feltman, Ergayga Maraykanka ee Geeska Afrika, ayaa sheegay in khilaafsan sii qoto dheeraanayaa uu “cawaaqib aad u daran” ku yeelan kari doono midnimada Itoobiya iyo xitaa xiriirka ay la leedahay Maraykanka.

MW Joe Biden ayaa isna ku gooddiyey inuu xoori doono mudnaantii uu Maraykanku siin jirey ganacsiga uu la leeyahay dalkaasi, kaddib markii uu sheegay in si xun “loogu tuntay xuquuqaha caalamiga ah ee aadanaha.”

Xaalka ayaa aad u walaacsan iyadoo sida muuqata ay DF Itoobiya haatan aad uga horjeedaan dalalka reer Galbeedka oo biyo hoostood ka arkaya Shiinaha oo dalkaa saamayn wayn ku leh.

Hadalsame Media