Sidee Nairobi ku tagtay dayuuradda Ciidanka Cirku? Taliyaha Ciidanka ayaa sharraxaya

0

(Nairobi) 04 Nof 2021 – Waaxda Garoomada Kenya ayaa ku dhawaaqday inay xaraashi doonto 73 diyaaradood oo duug ah oo in muddo ah meel iska yaallay, kuwaas oo ay ku jiraan labo ka mid ah diyaaradihii Ciidamada Cirka Soomaaliya ah.

Waaxda KAA ayaa ugu baaqday dadka daneynaya inay iibsadaan diyaaradahan inay bishan dhexdeeda tagaan goobaha lagu soo bandhigayo.

Qaar ka mid ah hay’adaha diyaaradooda aan laga soo uruurin ee ku sugan garoomada KAA waxaa ka mid ah Somali Air Force, Jubba Airways, Jetlink, Skyward, Eagle Aviation, Prestige Aviation, Fly540, Pan Africa Airways, iyo Planes for Africa.

Taliyaha Ciidamada Cirka Soomaaliya, Janaraal Maxamuud Sheekh Cali (Dable Bayloot) oo BBC-du la xidhiidhay ayaa sheegay inaysan jirin cid ka soo wargelisay Soomaaliya.

Waxaa kale Janaraal Dable Baylood uu shegay in keliya hal diyaarad oo Soomaaliya lahayd ee halkaas ku sugan tahay.

Sidee ayay diyaaraddu ku timi halkan?

Diyaaaraddan ayaa muddo badan halkaasi taallay, muddadaas oo gaadha 30 sano.

“Markii ay dawladdu dhacaysay 5 january 1991 ayaa la geeyey meesha, waxaan ka xasuustaa Rome baan ka soo kacnay jabbuuti baan ku denay, kaddib kolkaan jabbuuti ka soo kacnay ayaan raadiyaha ka maqalnay diyaarad ciidammadu leeyihiin xamar ka kacday oo Kismaayo u socota galabtiina waxaan BBC ka maqlay diyaaraddii waxay ka degtay Nayroobi.”

Janaraalka ayaa sida oo kale BBC-da u sheegay in isaga laf ahaantiisu dhawr goor oo uu tegay Nayroobi in uu meesha ay taallay ku arkay diyaaraddaas.

“Aniga dhawr goor baan nayroobi tegay waa ku arkay meel duur iyada oo taal.”

Diyaaraddan oo ka mid ahayd diyaaradihii Somali Air Force, ee ciidammada cirka.

Qiimaha ay Kenya ku xaraashayso ayaa 73 kun oo lacagteeda ah.

KAA, waaxda Kenya u qaabilsan garoomada ayaa sheegtay in gunnadii baakinka ee diyaaradaas aysan bixin jirin cidihii lahaa.

“Adigu haddii aad baabuur inta meel dhigto uga tagto oo uu 30 sano yaallo, baabuurkaasi waa wax la tuuray saw maaha? Markaa waxaa la gadayaa waa birihi, ee maaha wax diyaarad ahaana loo iibinayo hadda” ayuu yidhi janaraal Maxamuud Sheekh Cali

Sidoo kale Kenya ayaa sheegtay in diyaaradahan la dayacay ayaa cidhiidhi geliyeen hawl maalmeedkii Garoomada Diyaaradaha, waxaana hakad galiyay dhaq dhaqaaqii kale ee ka jiray Garoonka, waxaana taasi ay keentay khatar dhanka amaanka ah.

Qandaraaslayaasha xiisaynayaayaa daalacan kara diyaaradahaas inta u dhaxaysa Noofambar 4-16 inta lagu jiro saacadaha shaqada ee caadiga ah.

Xaraashidda iyaaradaha ee garoommada Nairobi (Jomo Kenyatta International iyo Wilson) ayaa dhici doona 17-ka November.

KAA ayaa sida oo kale amaray kolka la gato in lagu soo qaato todoba maalmood gudahooda laga bilaabo taariikhda xaraashka ama waxa ay bilaabaysaa in ay kugu soo dallacdo lacag dhan 10,000 Sh.Sh maalintii ilaa inta laga soo qaadayo.

Haddii alaabta aan lagu soo qaadin 14 maalmood gudahooda, waxa laga xayuubin doonaa lahaanshihii xaraashkaas ee KAA.Ma ahan markii ugu horeysay ee ay KAA ku casuunto shacabka inay ka soo iibsadaan garoomadeeda alaabooyin aan laga soo uruurin oo laga maarmay. Hay’addu waxay qabatay iib kaas la mid ah sanadka 2019 taasoo qayb ka ah barnaamijka nadaafadda.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media