Sirdoonka Somalia oo qabtay daroonno wax loogu dhimi kari lahaa dalal deriska ah + Sawirro

0

(Muqdisho) 03 Nof 2021 – Hay’adda Nabadsugida & Sirdoonka Qaran (NISA) ayaa Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku qabatay Diyaarado Drone ah, oo lix xabo ah, kuwaas oo looga shakiyey sababo xagga Amniga ah oo ah in loo waday meel ka baxsan Soomaaliya.

2 ajaaniib ah oo duulimaadka la socday ayaa la xiray, inkasta oo safaarada dalkooda ee Muqdisho lagu wareejiyey.

Drone-ka la qabtay ayaa ka waa weyn kuwa sawirada & muuqaalada duuba, shixnado horey uga gudbay Soomaaliya ayaa la aaminsan yahay in ay qeyb kanoqdeen howlgalo ka dhacay meelo ka baxsan xaduudaha Soomaaliya, saameyeyna dalalka jarka ah.

Masuul katirsan golaha shacabka Soomaaliya, oo sheegay in uu isagu leeyahay Diyaaradahan 6da xabo ah ayaa sheegay in Beero uu ku waraabsan lahaa.

Waxaa Qoray: Faarax Cabdulqaadir Gaylaan

Hadalsame Media