“Gacmaha ka laaban mayno!” – Addis oo ay dhegtu u taagan tahay & dal muujiyey inuu usoo gurmanayo! (Somalia oo…)

0

(Hadalsame) 03 Nof 2021 – Fallaagada Tigreega oo taageeranaya dacaayadda Galbeedka ayaa beryihii dambe horumar ka samaynayey degaanno ku yaalla woqooyi bari Itoobiya, iyagoo qabsaday 2 magaalo oo ay midi tahay Dessie oo 240 mayl u jirta Addis.

Waxaa warbaahinta caalamka lagu faafinayaa warar sheegaya in TPLF ay u ruqaansanayaan dhanka caasimadda lafteeda, halka ay Safaaradda Maraykanku ka digtey xaaladda guud ee dalkaasi.

Yeelkeede, waxaa haatan digniin soo saartay Eritrea oo ku gooddisey inaysan gacmaha ka laaban doonin waxa ka soconaya Itoobiya.

“Waa sida ay jecel yihiin in Itoobiya noqoto Yaman kale gacmaha se ka laaban mayno.” Ayuu Eritrean Press u sheegay sarkaal is qariyey.

Wuxuu intaa raaciyey in “danta Eritrea ay ku jirto in dabkan la baqtiiyo kahor inta aanu na wada galaafanin”, waxaana deeto Twitter-ka lagu tag gareeyey Somalia.

Hadalsame Media