DF Somalia oo ay fursadi soo martay markii ay Qadar go’doomiyeen dalal ka tirsan Khaliijku

0

(Hadalsame) 01 Okt 2021 – Siyaasaddu hay’ad samafal ma aha, waa dano la kala beddesho, kanaan ku siiyey, kanna waa qaatay. Tusaalayaal baan sheegi:

Markii Dawladda Qatar la go’doomiyey, oo cir iyo dhul iyo bad laga xirtay, Turkigu waa u gurmadey, waa taageeray, ciidan buu geeyey, badeecadduu u daabulay, sucuudi & imaaraad buu ku waayey.

Laakiin Turkigu muxuu beddel helay? Waxaa ka mid ah: Qatar wexey maal gashatay turkiga 2019 in ka badan $22 bilyan, waxaa dhismaha qatar ka shaqeeya 500 shirkadood oo turki ah iyo shaqaalohooda.

2020-dii Qatar wexey saddex jibbaartey xoojinta dhaqaalaha turkiga oo gaarsiisey $15 bilyan. Riyaalka ayey Liirada ku xirtay. Isla sannadkaa booqashadii Amiirka Qatar, wexey la saxiixatay 10 heshiis, oo ay ka mid tahay in Qatar iibsato 10% suuqa saamiyada turkiga ee (Istanbul stock exchange).

Qatar wexey kaloo yeelatay (49.9%) wershedda dabbaabadaha iyo baabuurta gaashaaman. Badeecadda turkidu u dhoofisey Qatar $1.4 bilyan, iyo faa’iidooyin badan oon ka gudbey.

Soomaaliya inta Turkigu taageeray Qatar in la mid ah ama ka badan ayey taageertay, go’doomintii wey u hiilisay, sucuudi iyo imaaraat iyo masar ayey ku weydey, hawadeeda ayey diyaaradaha qatar u furtay (hal maalin 15 duullimaad).

Waxaa se la is weydiinayaa: Mexey soomaaliya ku beddelatey oo muuqda? Waxaan xogta ku haynnaa Qatar iney wax walba diyaar la ahayd lana tahay, haba yaraateena eed ku lahayn, $10 bilyanna koob shaaha uga fududahay.

Allaha u siyaadiyo, laakiin jawaabta akhristahaan u daayey.

Waxaa Qoray: Sh. Maxamed Idriis

Hadalsame Media