DHEGEYSO: Sweden oo isku haysata kaalmo la siiyo ururro ay ka mid yihiin QM, Bankiga Adduunka iyo qaar kale

0

(Hadalsame) 02 Nof 2021 – Hanti-dhowrka Qaranka ee Riksrevisionen ayaa cambaarayn dusha uga tuuray kaalmada ay dowladda Sweden siiso ururro badan oo caalami ah, sida ku cad warbixin lagu wado in la daabaco berritoole oo aannu nuqul ka helnay.

Dabagal uu sameeyey Hanti-dhowrka ayaa lagu soo helay in ururradan ay dowladda Sweden sanad kasta ku bixinayso balaayiinta karoon, aanay lahayn hadaf cad, waxaa uu sidoo kale madmadow ka jiraa dhanka diyaarinta iyo dabagalka waxyaabaha lacagahan lagu khasiro.

Hanti-dhowraha Riksrevisionen ayaa haddaba soo jeediyey in inta aan go’aan laga gaarin deeq bixinta ay tahay in Wasaarad Dibadeedka Sweden ay soo samayso falanqayn haliseed (riskanalys) iyo istaraatijiyadaha ka dambeeya kaalmadan.

Sweden ayaa sanad kasta waxay go’aamisaa in adduun lacageed oo ka badan 16 bilyan oo karoon la siiyo ururadaasi oo ay ka mid yihiin QM, Bankiga Adduunka iyo qaar kale.

Hadalsame Media