”Marka aan hubka Ruushka isticmaalno yaa Ruush qabsan jirey?!” – Turkiga oo Ruushka la garramay kuna dhega hadlay Faransiiska (Waxa la isku hayo?)

0

(Roma) 31 Okt 2021 – Wasiir Dibadeedka Turkiga ee Mevlüt Çavuşoğlu ayaa sheegay in ay run tahay inay iyagu sameeyeen daroonkii ay Ciidamada Ukraine ku burburiyeen agab ay leeyihiin gooni u goosadka Ruushku taageero ee bariga dalkaasi, balse aan Turki lagu eedayn karin taas.

Wasirka oo warbaahinta la hadlay kaddib markii uu la kulmay dhiggiisa Ruushka ee Sergey Lavrov oo ay isku arkeen shir-doceed iyagoo ka qayb gelaya G-20 oo lagu qabtay Roma, Çavuşoğlu ayaa ku dooday in hubka Turkiga laga iibsado aan Turki loo qabsan karin wixii ka dambeeya marka uu la wareego dalka iibsadey.

“Waxaa lagu sameeey Turkey, balse waxaa hubka iska leh Ukraine.” ayuu yiri Çavuşoğlu oo intaa ku daray in ciidamada Turkiga laftoodu ay hub kasoo iibsadaan dalal badan oo uu Ruushku ka mid yahay, balse aan abid lagu eedaynin Ruushka.

Aqalka Kremlin ayaa Arbacadii sheegay inuu ka walaacsan yahay go’aanka uu Turkigu daroonnadiisa uga iibiyey Ukraine iyagoo ku marmarsooday in ay taasi xasillooni ka abuurayso bariga Ukraine.

Afhayeenka Kremlin ee Dmitry Peskov ayaa tixraacayey daroonnada Turkish-sameega ah ee Bayraktar TB2 oo la siiyey ciidanka Ukraine oo duqaymo ku burburiyey fariisimo iyo agab ay leeyihiin fallaagada Ruushku taageero ee bariga dalkaasi.

Dalal badan oo xitaa reer Galbeed ah oo uu Faransiisku ugu horreeyo ayaa iyaguna sheegay inay ka walaacsan yihiin muuqaallo muujinayey daroonnada oo burburinaya madaafiicda goobta ee ay kooxdani leedahay.

Hadalsame Media