”Waxaan gacanta ku dhignay ciidamo badan & magaalada Dessie!” – Tigreega oo sheegtay inay qabsadeen magaalo muhim ah (Daawo)

0

(Addis Ababa) 31 Okt 2021 – Fallaagada Tigreega ee ku kacsan DF Itoobiya ayaa sheegtay inay shalay qabsadeen magaalada istaraatijiga ah ee Dessie oo aan xitaa wax xad ah la lahayn Gobolka Tigraay.

Magaalada Dessie ayaa ka tirsan Gobolka Amxaarada ee Ethiopia, taasoo ay weliba kaaga darane kusoo qexeen Amxaaro badan oo kasoo qaxday dagaallada ka soconaya magaalooyin kale oo ka tirsan isla Gobolka Amxaara.

Magaaladan ayaa 240 mayl woqooyi uga beegan caasimadda Ethiopia ee Addis Ababa, iyadoo uu afhayeen u hadlay TPLF oo haatan la baxay TDF uu sheegtay inay gacanta ku dhigeen ciidamo badan oo ka tirsan kuwa DF.

Ciidamada DF Itoobiya iyo malliishiyaad ay kaashanayeen ayaa la sheegayaa in ay jiireen Ciidamada TPLF, balse Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan xaqiijin karin sheegashadan.

Halkan ka daawo…

Hadalsame Media