Sidee magaca cusub ee la bixiyey u saamaynayaa Facebook, Whatsup & Instagram?!!

0

(Menlo Park) 28 Okt 2021 – Facebook ayaa ku dhawaaqay inuu shirkadda maamusha u bixiyey Meta kaddib shir ay maanta iskugu yimaadeen maamulka oo la yiraahdo Connect.

Yeelkeede, camaaliqooyinka baraha bulshada ee Facebook, Whatsup, Instagram iwm, magacooda waxba iska bedeli maayaan, kaliya dalladda ay ku midaysan yihiin ayaa Meta loo bixiyey.

Mark Zuckerberg oo ah 37-jirka sameeyey Facebook oo uu Maareeye Guud ayaa sheegay in magacan cusubi uu kacaamin doono hankooda ah inay noqdaan birlabta hal-abuurka tiknolojiyadeed iyo tan xiriir ee casrigan.

Facebook ayaa sanadihii dambe la tacaalayey fadeexado is xig xigey isagoo saacado badan hawada ka baxay 4tii bishan Oktoobar.

Hadalsame Media