Facebook oo magacii laga bedeley & micne wayn oo ku jira astaanta cusub ee uu wato

0

(Menlo Park) 28 Okt 2021 – Maareeyaha Guud ee Facebook ee Mark Zuckerberg ayaa goor dhowayd ku dhawaaqay in magaca cusub ee Facebook uu noqon doono Meta.

Mark oo ka hadlayey shirka Connect ee uu kambanigu lahaa ayaa sheegay in ay diiradda saarayaan in ay dadku ugub-dhexaad u noqdaan tiknolojiyaddooda.

Zuckerberg ayaa Twitter ku qoray in aanay waxba iska bedeli doonin qaab-dhismeedkii shirkadda iyo hay’adaha kale ee hoos taga sida Whatsup, Instagram iwm.

“Arrintan aynu maanta ku dhawaaqnay ma saayn doonto sida aannu u adeegsanno Facebook.” Ayuu yiri.

Calaamadda cusub ee Meta ayaa ah 8 jiifta oo u taagan wax kasta oo aan dhamaad lahayn.

Hadalsame Media