Kenya oo diidmada go’aanka ICJ u keentay marmarsiinyo cusub (Khalad taariikhi ah oo ay Somalia ka gashay oo ay durba illowdey)

0

(Hadalsame) 21 Okt 2021 – Kenya ayaa mar kale ku celisey inaysan aqbali doonin go’aankii ICJ, waxaana qof u hadla ugu dambeeyey MW Uhuru Kenyatta, balse qarreen Kamotho Njenga oo ka hadlayey dookhyada u furan Kenya ayaa soo hadal qaaday arrin muujinaysa inaysan Kenya war u haynin taariikhda.

Wuxuu Njenga ku doodayaa in maadaama go’aanka Maxkamadda ICJ uu saamaynayo xadka labada dal, ay waajib tahay in ay meesha soo gasho afti dadwayne, sida ku dhigan Dastuurka Kenya.

Yeelkeede, Kenya horay ayay Somalia uga gashay khalad ku saabsan afti dadwayne oo inta la qaaday weliba lagaga guulaystey, tani waaba hindise uune.

SIDEE WAX U DHECEEN? 26-kii Juun 1960-kii, markii uu Ingiriirsku xornimada siiyey gobolkii ugu horreeyey ee Soomaaliyeed oo ahaa British Somaliland, waxay gumaysigii UK ku dhawaaqeen inay midaynayaan dhamaanba dhulka Soomaalida ee Bariga Afrika aragti ay u bixiyeen Greater Somalia oo ahayd wixii ay Soomaalidu doonaysey.

Yeelkeede, UK oo Jamhuuriyaddii Soomaalida ee xorowdey ka ballan qaadday inaysan go’aan ka gaaraynin gobolka Soomaaliyeed ee NFD ayaa guddi u saartay Diseembar 1962-kii si ay u agaasimaan afti laga qaado dadkaasi.

Guddigaasi wuxuu soo sheegay in 5 ka mid ah 6-dii maamul ee halkaa ka dhisnaa ay u codeeyeen inay Somalia la midoobaan, waana codayn ka dhignayd in ka badan 88%.

Ha yeeshee, Ingiriisku ballantii wuu uga baxay Somalia oo 8-dii Maarso 1963-kii, Britain waxay ku dhawaaqday in NFD loo bixiyey Gobolka Woqooyi Bari isla markaana Kenya lagu daray, taasoo xitaa keentay inay Somalia xiriirka diblomaasiga ahaa gebi ahaanba u gooyso UK 18-kii Maarso 1963-kii.

Kenya maalintaa ma ixtiraamin aftidaa la qaaday ilaa maantana dhulkaa iyada ayaa sharci darro ku haysata.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media