DAAWO: ”War nacasyohow gaariga jooji!” – Gaari wayn oo muddo hoosta ku watey gaari baasi rabey (Hal khalad oo uu gaariga yari sameeyey ka faa’iidayso)

0

(Hadalsame) 21 Okt 2021 – Waxaa lasoo bandhigay muuqaal muujinaya gaari loori ah oo ilaa ugu yaraan 65 cagood riixayey gaari yar oo ku jira barafaangihiisa hore mar uu ku xawaaraynayey jidka mashquulka badan ee M1.

Gaariga looriga ah oo ay leedahay Greg’s Couriers HGV ayaa jidwaynaha u dhow Luton wuxuu muddo afka hore ku riixayey gaari yar oo cad oo ah nooca Volkswagen VW.

Ninka muuqaalka duubay ayaa isaga oo u gacan haadinaya darawalka looriga ku qaylinayey: ”War nacasyohow gaariga baas jooji!.”

Yeelkeede, darawalka gaariga wayn wadey oo aanba xitaa bilowgii ogayn inuu gaari hoosta ku wato sida uu sheegay Maareeyaha Greg’s Couriers, Greg Krysztofowiciz, 42-jir, oo la hadlay Mail Online:

Darawalka Volkswagen-ka ayaa la sheegay inuu isku dayey inuu baaso gaariga wayn, balse uu sameeyey khalad ay inta badan sameeyaan darawaliinta oo ka horjeeda xeerka jidadka oo ah in meel dhow laga soo galo khadka uu haysto gaariga la baasayo weliba gawaarida waawayni ma arki karaan hoostooda, taasoo keentay inuusan darawalkani gaarigaba arag.

”Idaacad ayaa ii daarrayd mana xitaa dareemin, ilaa aan ka arko dadkii oo ii gacan haadinaya.” ayuu yiri darawalka gaariga wayn oo ay booliisku u fasaxeen inuu safarkiisa sii wato kaddib markii ay ka qaadeen tijaabo aalkolo. Darawalka kale waa bad qabaa.

Hadalsame Media