”Go’aankani wuxuu xumayn karaa xiriirka labada dal!” – Kenyatta oo digniin & hanjabaad kasoo saaray xukunkii ICJ

0

(Hadalsame) 21 Okt 2021 – Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa markale gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda oo dhawaan Soomaaliya u xukuntay qeyb badan oo ka mid ah soohdinta badda ay ku mursanaayeen Kenya iyo Soomaaliya.

Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aankaasi uu waxyeelayn karo xiriirka ka dhaxeeya labada dal, sida ay qortay BBC.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseyray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay muranka baddan oo la sheegay inay ceegaagaan yihiin gaaska iyo kheyraad kale oo dabiici ah isagoo sheegay in arrintaasi ay “isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba ee dalkiisa, ayna halis gelin karta ammaanka gobolka Geeska Afrika.”

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta

Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay xafladda dabbaaledegga maalinta halyeeyada oo ku beegneyd shalay.

Madaxweyne Uhuru ayaa sheegay inay dadkii xoriyada Kenya u dagaalamay ay caqabadahaas dusha u riteen sidaas awgeedna ay ka guuleysteen gumeeystaha.

“Cidna kama aqbaleyno in ay sheegato lahaanshiyaha qeyb ka mid ah dhulkeena, sida aan u xushmeyno xuduuddaha dalalka kale ayaan sidoo kale ka filaynaa in xuduuddaheen dhuleed iyo badeed loo xushmeeyo,” ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Uhuru ayaa dhanka kale xusay in Kenya ay tahay dal nabadda jecel isla markaana ay dooneysa in nabad ay kula noolaato dalalka dariska ah ayna ka qeyb qaadatay howlaha nabadda loogu raadinayo dalalka kale.

Hadalsame Media