Hal arrin oo ay gumaysigii reer Galbeedku ay Soomaalida u qireen

0

(Hadalsame) 18 Okt 2021 – “Mar walba oo Soomaali la jeedlo, askari Talyaani ah ayaa u dhinta”
Adigu maxaad ku qeexi lahayd qofka Soomaaliga ah?

Gerald Hanley oo ahaa qoraa Ingiriis ah, sidoo kalena askari ahaan u joogi jiray dhulka Soomaalida xilliyadii Dagaalkii Labaad Ee Adduunka ayaa isaga oo faallaynaya Soomaaliga iyo noloshiisa, ayuu buuggiisa sidaan ku sheegayaa,

“Waxa qalayl, xaraarnimo, rafaad iyo qorrax maqaarka gubaysa, ee baahida iyo haraadka dhulkooda ka jiraayi uu aad uga duwanyahay Afrikada barwaaqada iyo wada kaymaha ah, dhabtii ma jiraan dad ka dhibaato iyo shiddo badan dadka deegaankoodu ka bilowdo buurta Mount Kenya, kuna baahsan illaa iyo daadegga buuraha Abyssina [Itoobiya], ee dhanka kalena gaarsiisan illaa iyo fiinta Cape Gardafui [Raas Casayr ee Badda Cas] halkaas oo dabaylaha Xagaagu joogto yihiin, sidoo kalena Libaax-badeedyo waaweynaaday ay joogto u dhexyaacayaan badweynta biyaheedu khafiifka yihiin [bad aad u kalluun badan, ayuu uga jeedaa].

Marnaba ma sawiran kartid dugaagnimada (waalida) dadkaas adigoon arkin toorreeyada iyo warmaha ay sitaan, indhahooda cabsida leh. Timaha madoow, booraystay ee laalaabmaya. Waa geeljire madax adag, ku nool dhul kulkiisa aadan dhagaxa taaban karin, ku jira dagaallo dhiig-qubad ah oo aan la xasuusan karin sidii uu ku bilowday, balse lagu xuso in dhiig-qubadka la sii wado.
Waxa Jinsiyado kala duwan ee ku nool Afrika, waa kuwa ugu wanaagsan in lagu dhex noolaado, waa kuwa ugu dhibta badan, iskula weyn, ugu geesisan, isula qumman, ugu naxariis daran, ugu saaxiibnimo fiican; waa Soomaalida.”

Waxa aan aqaan baadari Talyaani ah [Masiixi ah], kaas oo soddon sano dhex wareegayey Soomaalida, balse labo qof oo keli ah ay raacday [rumaysay diintiisa], weliba waxa aan la sii yaabbanahay sida labadaas qof ay ku raaceen. Ma jiraan dad Nebiga [Muxamed NNKH] ugaga jacayl badan, haddana ugaga aqoon liidata (jaahilsan) Soomaalida, balse iyaga dambigooda ma aha in ay jaahiliin yihiin.

Caqli badnaantooda dabiiciga ah (ay u dhasheen) ma jiro wax lala barbar dhigo, marka ay kacaannada waxbarashadu ay dhulkooda soo gaaraanna, dhabtii naftooda iyo Afrikaba waa ay ka yaabin doonaan.”

Weligay ma arag Soomaali ka cabsanaya dhimasho, layaab ayey u muuqataa balse waxaaba u dheer naxariis-darrada iyo turiimo la`aanta. Haddii aadan dhimasho ka baqayn, cidkalena dhimasho ugama naxaysid, balse cabsi la`aantoodu saldhig ayey u tahay nolosha Soomaaliga ee joogtada ula halgamaya gaajo, cudur, iyo harraad, isaga oo haddana isu diyaarinaya in uu cadawgiisa la dagaalamo, cadawgiisa oo Soomaali kale ah uuna ku farxayo in daadinta dhiiggiisa, ama cadawgiisa kale ee ah Itoobiyaanka doonaya in uu dhulkooda xukumo, ama cadawgaas oo noqon kara nimanka Caddaanka ah ee dhowaan ugu yimid dhulkoodii.”

“Mar walba oo Soomaali jeedal lagu dhufto, askari Talyaani ah ayaa la dilaa”

Intii aan dhul Saxare ah aan maray oo dhan, Soomaalidu waa dadka ugu caqliga badan ee aan arkay. Reer miyigaas qarniyo badan ku nool geela, ma la heli doonaa qof xal u hela sidii geesinnimada iyo caqli-badnaantooda looga faa`iidaysan lahaa?”

Ma jiro aadane ka adadag reer miyiga Soomaaliga. Hal qof xataa. Askari ku dhaawacmay dagaal ka dhacay miyiga Hawd, 20 kiiloomitir ayuu lugeeyey isaga oo weliba calooshiisa gacanta ku celinaya (si aysan uga soo dhicin), haddii uu ka bogsaday dhaawiciina dib ayuu dagaalladii ugu laabtay. Ogoow, dumarkooduna waa kuwo naf ahaan u awood badan sida raggooda.”

Waa in aad sidaas uga fakartid qofka Soomaaliga ah. Waa in aad sidaas uga fakartid, maxaa yeelay Soomaalidu godob weyn iyo nacayb ayey u hayaan ninka cad, waa kuwo joogto ula halgami doona oo beeno iyo iyo shirqoollaba u adeegsan doona sidii ay ula dagaalami lahaayeen ninka cad, iyo sidii ay uga hortagi lahaayeen saamayntiisa oo ay u arkaan dhammaadka dunidooda u goonida ah.

Kama adkaan kartid. Uma arkaan in ay cidina iyaga ka sarrayso, sina kuma ogolaanayaan doonitaanka ninka cad, kamana cabsanayaan isaga, qorigiisa, iyo caradiisa midna.

Waa jinsiyad (waa dad) xushmayn mudan, waa haddii ay adkaato in la jeclaadaba.”

Fadlan walaal adigoo mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalka.

Xigasho: Buugga, WARRIORS: The Life And Death Among Somalis [DAGAALYAHANNO: Nolosha iyo Geerida Soomaalida Dhexdeeda}

Tarjumiddii: Dr Jaamac Sahal

Hadalsame Media