XOG CUSUB: Jaantuska baloogyada shidaalka ah ee dhulka ay Kenya sheeganaysey oo bixinaya xog cusub oo aan horay loo arag

0

(Hadalsame) 18 Okt 2021 – Macluumaad ay idaacadda VOA ka heshay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kadib xadaynta ay Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ICJ ka samaysay xuduudda badda Soomaaliya iyo Kenya ay inta badan xirmooyinka la tuhunsan yahay inay ku jiraan shidaalka iyo khayraad kale ay marayaan dhinaca Soomaaliya ee xuduudda cusub.

Khabiir arrimaha badda ah oo darsay xukunka maxkamadda oo codsaday inaan magaciisa la sheegin, arrimahan oo xasaasi ah dartood, ayaa VOA u sheegay in mid ka mid ah toddobada xirmo ay martay dhinaca Kenya, afar-na dhinaca Soomaaliya, halka labada kale ay xuduuddu dhexmarayso oo ay labada dhinac ah u kala qaybsameen inkastoo dhulka ay ku fadhiyaan xirmooyinkaasi badankiisu marayo dhinaca Soomaaliya.

Khabiirkaasi waxa uu u sheegay VOA in xirmada dhinaca Bari ugu xigta oo astaanteedu tahay L-26 ay martay dhinaca Kenya, halka qaybo ka mid ah xirmooyinka L-23 iyo L-24 ay sidoo kale mareen dhinaca Kenya.

Xirmooyinka soo haray oo kala ah L-5, L-13, L-21, L-22 iyo inta badan ee xirmooyinka L-23 iyo L-24 ayaa maraya dhinaca Soomaaliya, sida auu khabiirkaasi sheegay.

Yeelkeede, sida ka muuqata jaantuskan, waxaa kala bar xirmada L29, inta badan L22 iyo L24 iyo gebi ahaanba L26 la raacsiiyey dhanka dalka Kenya, marka la raaco jiitintii asliga ahayd ee ay Somalia ku doodaysey oo laakiin wax laga bedeley marka ay timaaddo midka uu kusoo baxay go’aanka ICJ, sida aad sawirka kale ka arki kartaan.

Sida jaantuskan ka muuqata waxaa labada dal si isla’eg ama ku dhow loogu qaybiyey xirmooyinkii shidaalka ahaa ee ku jirey dhul-badeedka ay Kenya gelisey muranka ah ”ku qabso ku qadi mayside”.

Hadalsame Media