Gabar geesi qaran u ahayd Kenya oo si xun loo diley (Qofka diley waa kii dadka ugu dhowaa)

0

(Nairobi) 17 Okt 2021 – Orodyahannaddii reer Kenya ee masaafooyin dhaadheer, Agnes Tirop, taasoo laba jeer hanatay billadda maarta ee Horyaalnimada Adduunka, ayaa iyada oo mayd ah minankeeda laga helay, sida uu sheegay Xiriirka Ciyaaraha Fudud.

Gabadhan oo 25-jir ahayd ayaa maydkeeda oo la midiyeeyey laga helay gurigeeda oo ku yaalley Iten, waxaase la yaab leh in lagu tuhmayo ninkeedii, waloow weli uu kiisku marayo xaalad baaritaan. Middidada ayaa lagala helay qoorta iyo ubucda.

Taliyaha Booliiska Maamulka Elgeyo Marakwet County, Tom Makori, ayaa sheegay in ay haatan raadinayaan ninkeedii oo isaga oo ooyaya qoyskeeda wacay isagoo u sheegay ”in Alle cafis loo waydiiyo” maadaama uu wax xun sameeyey, sida ay faafisay AP.

Gaarigii Tirop, oo ku baakin garaysnaa guriga barxaddiisa ayaa isna waxaa ka jajabnaa muraayadaha, taasoo caddaynaysa inuu dagaal xumi dhacay kahor inta aanay dhimanin.

Tirop ayaa billada maarta ah hanatay 2017 iyo 2019 orodka 10,000 oo mitir, iyadoo sidoo kale 4-aad ka gashay ciyaarihii Olombikada ee Tokyo lagu qabtay xagaagan, balse waxay ahayd xiddig soo baxaysa.

Bishii hore waxay dhigtay rikoodh cusub ee orodka 10-km oo lagu qabtay Jarmanka, iyadoo ku orodday 30:01 iyadoo 28 ilbiriqsa ka dheeraysey rikoodhkii hore ee uu dhigay orodyahanka reer Morocco ee Asmae Leghzaoui kaasoo taagnaa tan iyo 2002.

 

Hadalsame Media