Dal ka mid ah quwadaha nukliyeerka haysta oo doonaya inuu iibsado daroonnada Turkiga!

0

(Ankara) 17 Okt 2021 – Turkey ayaa sheegay inay ikhtiyaaraad kala geddisan u bandhigeen dalka UK oo ”xiise u muujinaya” daroonnada Turki-sameega ah, sida uu sheegay Wasiirka Wershadaha iyo Tiknolojiyadda Turkigu.

“U.K. aad bay u xiiisaynaysaa daroonnada Turkish-ka ah. Waxaana u bandhignay dhowr dookh oo ah tahay inay go’aan ka gaaraan, wayna ka fikirayaan hadda.” ayuu yiri Mustafa Varank oo la hadlay CNN Turk.

Wuxuu saadaaliyey in mustaqbalka dhow la arki doono dalal waawayn oo iibsanaya daroonnada Bayraktar iyo Anka oo ay ka iibsadeen Turkiga.

Wuxuu soo xigtey hadal uu horay u sheegay Wasiirka Difaaca U.K. ee Ben Wallace oo sheegay in daroonnada Turkigu ay ”wax wayn ka bedeleen” isle’egta dagaallada.

Dhanka kale, dakhliga Turkiga kasoo gala hubka ayaa sanadkii sii dhaafaya $12 bilyan oo doollar.

Hadalsame Media