DAAWO: Weriye Masri ah oo saadaaliyey halis kusoo socota Somalia kaddib go’aankii ICJ (Dalal & siyaasiyiin Soomaali ah oo uu farta ku fiiqay)

0

(Qaahira) 16 Okt 2021 – Saabir Mashhuur oo ah weriye Masri ah ayaa barnaamij ka sameeyey xukunkii Maxkamadda ICJ oo 12-kii bishan riddey go’aankii aadka loo sugayey ee dacwaddii u dhaxaysey Somalia-Kenya.

Wuxuu sheegay in Faransiisku uu ku khasaaray go’aanka MCJ, maadaama aanay shirkadda Faransiiska ah ee Total xaq u yeelan doonin inay sii waddo sahankii ay muddaba ka samaynaysey aagga Somalia.

Saabir ayaa intaa raaciyey in Kenya ay diiddey go’aanka Maxkmadda tiiyoo aanay Somalia lahayn cudud ciidan oo ay arrintaa wax uga qabato marka laga reebo ku tiirsanaanta hay’aadka caalamiga ah.

Wuxuu intaa raaciyey in Somalia oo haatan ku socota siyaasad nacasnimo ah oo 4.5 la yiraahdo ay ku mirqaansan tahay ”qabiil hebel kan, qabiil hebel kaas”, halka ay siyaasiyiinteedu u kala shaqeeyaan sirdoonnada Khaliijka, Kenya, Itoobiya iwm.

Wuxuu kaloo soo qaatay in Somalia aysan dooddan xitaa wax ka hesheen, balse ay taageerayeen dalalka Norway iyo UK oo dano gaar ah ka leh iyadoo ay Turkiguna joogaan, sida uu sheegay. Faranskiiska ayuu sheegay inuu la safnaa Kenya.

Wuxuu sheegay in haatan uu dalka ka jiro khilaaf micne darro ah oo u dhexeeya madax uu waqtigoodii dhamaaday oo ay shisheeye kala taageerayaan, kuwaas oo xitaa aan la qaban karin doorashada Somalia oo uu ku tilmaamay mid aanay dadku waxba dooranin, balse ay odayaal qabiil wax soo xulaan.

Wuxuu saadaaliyey in haddii aysan shacabka Soomaalida oo uu ku tilmaamay kuwo qiyam iyo dadnimo leh laga la’yahay inay xumaanta iska reebaan, balse haddii aysan caqli la imanin oo aysan cududdooda midaynin ay ku dambayn doonaan halkii ay mareen Muslimiintii Andaluus oo ay si sahlan u qabsan doonaan cududaha ku loollamaya.

”Marka ay shidaalkiinna qaataan kaddib way idin layn doonaan, kaddibna waxay kufsan doonaan dumarkiinna.” ayuu yiri Saabir Mashhuur oo tixraacayey siyaasadda ay reeruhu calallada ku samaysteen ee kala qoqoban ee aan aragtida fog lahayn.

Hadalsame Media