ISKA JIR!: Wax badan ka baro halista SONKORTA kana ilaali CARRUURTA

0

(Hadalsame) 16 Okt 2021 – Sonkortu ma dheef baa mise waa dhimasho?

Magaca “sonkor” asalkiisu waa Hindi ahaa sharkara, carabta ayaa dabadeed u gu dhawaaqday sukar, Carabidana waa la ga sii qaatay oo Af Laatiin ku noqotay suʹccarum, Talyaani zucchero, Ingiriisina sugar.

Waxaa la og yahay dadku in uu jecel yahay dhadhanka nooca sonkorta ama macaanka, macaankuna waa dheef se dheef waliba dadka waxtar u ma leh, oo mid noolaha qaar u fiican baa noole kale u daran.

Haddaba sonkorta oo maanta la ga sameeyo dhiro aad u ka la duwan kii la doono, asalkeedu wax uu ahaa geedka qasabka. Geedkaa waxaa la sheegay in uu ka bixi jiray gobolka Koonfur-bari Aasiya oo kumanyaal sano hortood la quwaaxsan jiray.

Taariikh ahaan waxaa la hayaa in muddo la ga joogo 3500 oo sano qaaradda Hindiya qasabka sonkor la ga soo saari jiray. 2500 hortood ayuu dhaqankani ku faafay ilbaxnimooyinkii Shiinaha iyo Beerashiya. Qarnigii 7-aad kolkii muslinku gaadheen Qaaradda Hindiya ayay soo guuriyeen oo keeneen gobolka Bariga Dhexe.

Haddana ciidamadii Masiixiga ee dagaalladii Macatabka ayaa qaaday oo Yurub geeyay qarnigii 12-aad. Qarnigii 16-aad kolkii Yurub degtay qaaradda Ameerika, ee haddana addoomo aad u tiro badan oo Afrikaan ah dhulkaa u qafaaleen, markaas bay beeraha iyo warshadaha sonkortu aad u ballaadheen gaar ahaan Baraasiil oo Boqortaqiisku haystay. Markaa ka dib sonkortu wax ay noqotay dahab dunida oo dhan loo dhoofiyo, wax ayna ka mid ahayd waxyaalihii Galbeedka Afrika ugaasyada loo gu beddeli jiray addoomaha la ga qaadanayo.

Sonkortu haddaba waa maaddo cudur-side ah oo nolosha bani aadanka dhibaato weyn ku haysa. Waxaa la yidhaahdaa ma jiraan wax sida sonkorta dunida u gu faafay oo haddana ka waxtar darani.

Dawladaha danta umaddooda u adeegaa goor walba dadka waa ay u ga digaan oo halisteeda ku baraarujiyaan, carruurtana iskuulka ayaa la gu baraa fayo xumada ay lee dahay, ha ahaato ta cuntada iyo cabbitaanka la gu daro ama ta macmacaanka la gu sameeyo. Cudurrada sonkortu keento waxaa ka mid ah xusuus-waa ama asaasaq (dementia), cudurrada wadnaha, kansarka, macaanka (diabetes) iyo suuska (ilko bolol), mana laha wax dheef ah.

Khasaaraha kale ee sonkortu dunida ku haysaa waa in ay qabsatay dhul beereed aad u ballaadhan oo raashin ka bixi lahaa.

Ka ilaali carruurtaada wax sonkor leh intii kuu suuragal ah.

Waxaa Diyaariyey: Ibraahim Hawd-yuusuf

Hadalsame Media