”Waa ‘qoraal sharci darro’ ah!!” – Shiinaha oo markale weerar cad ku qaaday diinta Islaamka (Muxuu sameeyey?)

0

(Beijing) 16 Okt 2021 – Sharikadda Apple ayaa kaydkeeda apps-ka ee dalka Shiinaha ka tirtay mid ka mid apps-ka ugu caansan caalamka ee Qur’aanka laga akhristo.

App-kan oo la yiraahdo Quran Majeed ayaa Middle East Eye u xaqiiijiyey in app-kan oo uu saldhiggiisu yahay dalka Pakistan meesha laga saaray, iyadoo markii ay Apple la xiriireen loo sheegay in ay la hadlaan qaybta internet-ka faafreebta ee Shiinaha (Cyberspace Administration of China (CAC)).

Idaaacadda BBC ayaa iyaduna shaacisay in Quran Majeed la tuuray kaddib markii ay sidaa Apple ku amartay dowladda Shiinuhu, iyadoo weliba ku doodday in app-ku uu sido wax ay ku sheegeen ”qoraal sharci darro ah.”

Quran Majeed oo ay leedahay Pakistan Data Management Services (PDMS) ayaa waxaa dunida ka isticmaala ilaa 40 milyan oo qof, kuwaasoo milyan ka mid ihi ay Shiinaha joogaan.

Hasan Shafiq Ahmed, madaxa koritaanka app-ka, ayaa MEE u sheegay in PDMS ay “hollinayso inay la xiriiraan CAC iyo hay’adaha ay khuseeyso” si app-ka loosoo celiyo.

Shiinaha ayaa weerar adag ku haya diinta iyo shacaa’irta Islaamka, isagoo wax lagu tilmaamay maskax-dhaqid ka wada gobolka ay Muslimiintu leeyihiin ee Xinjiang oo ay ku nool yihiin dadka Uighurs.

Hadalsame Media