Kooxda Inter Milan oo rikoodh cusub oo dhanka safarka ah dhigtay + Sawirro

0

(Milano) 16 Okt 2021 – Kooxda Inter Milan ee dalka Talyaaniga ayaa rikoodh dhigtay kaddib markii ay noqotay rakaabkii ugu horreeyey ee raaca dayuuradda ITA oo liqday middii musalliftey ee AlItalia.

Dayuuradda ITA oo shalay uun samaysay duullimaadkii ugu horreeyey ayay nooca ay Inter raacday waxay ahayd Airbus A320 (taasoo lago qoray “ITA. Born in 2021”), waxayna Inter u raacday magaalada Roma oo ay caawa fiidkii kula ciyaarayso kooxdii macallinkooda Simone Inzaghi ee SS Lazio.

Dayuuraddan cusub ee Italia Trasporto Aereo (ITA) oo ay leedahay dowladda Talyaanigu Jimcihiina howlgashay, ayaa meesha ka saaraysa Alitalia oo 75-sano jirtey.

Alitalia oo mar ahayd mid ay door bidaan dadka caanka ah, ganacsatada, siyaasiyiin iyo xitaa boobabka Vatican, ayaa waxaa ilaa 2017-kii gacanta ku haysey maamul ay dowladdu magacowday, iyadoo la sameeyey 1946-kii.

Halkan ka arag sawirrada…

Hadalsame Media