DEG DEG: DF Somalia oo si ”xooggan uga hortimid” qorshe lagu ballaarinayo Howlgalka AMISOM

0

(Muqdisho) 12 Okt 2021 – DF Somalia ayaa si “adag uga hor timid” hindise ay isku raaceen QM iyo Midowga Afrika oo lagu barxayo Howlgalka AMISOM oo lagu soo darayo qayb QM ah.

War Saxaafadeed aan si saaxi ah loo akhrin karin oo kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa hindisahan lagu diidey, waloow ay AU horay u sheegeen inay arrintan kala hadlayaan DF Somalia.

Taariikhda bilowga howlgalkan loo qorsheeyey ayaa ah horraanta sanadka soo aaddan ee Jannaayo 2022-ka.

Midowga Afrika ayaa sheegay inuu doonayo in howlgalka lagu fuliyo qodobka VII (7) ee Axdiga QM. Qorshahan ayaa u baahan inuu ansixiyo Golaha Ammaanka QM.

Midowga Afrika ayaa sheegay in howlgalka “uu xaqiijin doono maalgelin sanado badan ah oo la saadaalin karo lana joogteyn karo oo uu helo howlgalka mustaqbalka, ayada oo loo marayo tabarucaad ay QM qiimeysay.”

Hoggaanka DF Somalia ayaan nasiib darro muujinin siyaasad jihadeeda la fahmi karo oo ku saabsan sida loo dhisi karo ciidamo wax ku ool ah oo Soomaaliyeed oo amaanka la wareega, iyadoo waloow ay sexeen inay si joogto ah u bixiyaan mushaharooyinka ciidamada, misna ka fursan waayey inay siyaasad iyo dano gaar ah u adeegsadaan ciidamo yar oo la siiyey tababarro caalami ah.

Hoos ka eeg War Saxaafadeedka oo aannu ka cudur daaranaysno inuu ku qoran far aad u tayo xun…

Hadalsame Media