DEG DEG: Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ee ICJ oo bilowday geeddi-socodka go’aankii la sugayey – DAAWO

0

(Hague) 12 Okt 2021 – Maxkamadda caalamiga ah ee Cadaaladda Adduunka ee ICJ ayaa wadda geeddi-socodka go’aankii la wada sugayey ee dhegeysiga dacwadda badda ee Somalia-Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa haatan akhrinaysa wixii ay u cuskatay go’aanka ay ku dhawaaqi doonto in yar kaddib.

Waxay Maxkamaddu sheegtay in ay eegtay doodaha labada dal ee Somalia iyo Kenya, iyadoo Kenya lagu helay inaysan si joogto ah u sheegan jirin dhul-badeed muran ka jiro oo ka xiga dhanka woqooyi.

Maxkamadda ICJ ayaa sheegtay in waloow uu jiro heshiis lagu calaameeyayo xad-badeedka Tanzania iyo Kenya, aanu jirin mid rasmi ah oo abid dhexmaray Somalia iyo Kenya, marka laga reebo MoU-gii ku saabsanaa in laga wada hadlo ee 2009-kii.

”Meesha ay jiitintu marayso uma dhowa xeebta Kenya” – Kenya waxaa laga diidey sheekadii amaanka ee ay ku doodaysey.

Halkan ka DAAWO…

Hadalsame Media