Berri waa maalinta go’aanka ICJ balse waxaa jira duruufo ay maxkamaddu tixgelin karto (Warbixin xog-warran ah)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2021 – Xuduudda badda ee sida loo cabbiraayo ama loo jeexaayo Soomaaliya iyo Kenya ku muransan yihiin, ee Maxakamada Caalamiga ah ee Caddaaladuna (ICJ) maalmaha soo socda xukunka ka soo saari doontaa, waa saddex xuduud badeed: xad-badeedka biyaha dhow (Territorial Sea) oo ah laba iyo toban mayl badeed (12 Neutical miles), xad-badeedka gaarka ah ee ganacsiga (Exclusive Economic Zone) oo ah laba boqoloo mayl badeed (200 Neutical miles), iyo xad-badeedka qolfoofka (Continental Shelf) oo ah saddex boqol iyo konton mayl badeed (350 Neutical miles).

Soomaaliya waxay ku dooddaysaa qodobka 15aad ee Xeerka Badaha Adduunka (UNCLOS), oo qeexaaya in muranka xuduuda laba dal oo leh bad iska soo horjeeda (Opposite) ama is dhinac taal (Adjecent) lagu cabbiro xariiqa dhextaalka ee toosan (Equidistance line).

Halka Kenya ku dooddeyso in aanu xariiqa xuduudda badda ee labada dal aanu noqon mid toos ugu quman xad-dhuleedka labada dal, laakiin uu noqdo mid hoos ugu soo foorora waqooyi-bari. Doodda Kenya waa ay Jaban tahay, oo ma aha mid u suurtageli karta, laakiin maxakamadu waxay sharciyan eegi doontaa duruufaha gaarka ah (special circumstances) ama duruufaha la xiriira (relevant circumstances), ee uu isla qodobkan 15aad ee xeerka badahu tibaxaayo, xaaladahaas oo sabab u noqon kara in xariiqaas cabbirkiisa wax laga beddelo si aanu go’aanka maxkamaddu u noqon mid culays aan la qaadi karin ama laga geyoon karin ku abuura dalkii xukunka laga ga guuleysto.

Duruufaha la xiriira ama ku xiriirsan (Relevent Circumistance) ee ay maxakamaddu eegayso waxa ka mid ah qiyaasta dhererka labada waddan ee dacwadu ka dhaxayso iyo cabbirka dhul-badeedka la isku haystaa inta uu le’eg yahay. Haddii la ga guuleysto dhulka xeebta dheer iska leh maxakamaddu badanaa ma tixgeliso qodobkan, laakiin haddii la ga guulaysto dalkii xeebtiisu gaabneyd ama yarayd, maxakamaddu waxay hubisaa in aanu go’aankeedu waxyeelayn danaha dhaqaale iyo kalluumeysi ee dalka xeebta gaaban.

Haddaba, haddii sida Soomaaliya ku dooddayso ee ah in xariiqa toosan (Equidistance line) saddexda xuduud-badeedba lagu cabbiro, waxa dhab ah in Kenya ku waayayso bad baaxad weyn leh. Soomaaliya waa waddanka labaad ee u gu xeebta dheer dalalka Afrika, sidaa darteed Kenya waxa u furan inay ku dooddo in la tix-geliyo xaaladda bad la’aaneed ee ay wajahayso, arrimaha nabad-gelyada iyo saameynta xuduudaha dalalka kale ay la leedahay.

Ugu dambayntii, kolkay xaaladahaas eegto maxakamaddu, waxay u badan tahay in xariiqa la toosiyo xuduud badeedka dhow (terretorial sea), haddana si ka duwan loo cabbiri doono marka la gaadho xuduudda Aagga Ganacsiga Gaarka ah (Exclusive Economic Zone, EEZ) iyo xuduudda qalfoofka badda (Continental Shelf Zone). Sidaasna labada dal loo wada qancin doono.

F.G: Waxa jira dacwado hore oo ay ICJ sidan oo kale u xukuntay, waxaana dacwadahaas ka mid ah: Dacwaddii xadeynta qalfoofka badda (Continentalshelf case) ee 1982 Libiya iyo Tuniisiya oo maxkamaddu xukuntay in xariiqa meel dhexe laga qalloociyo. Nigeria iyo Cameroon sannadkii 2002 ayaa sidoo kale maxkamaddu go’aansatay in xariiqaas qaybtiisa hore toosnaado, laakiin xuduud badeedka (EEZ) wax laga beddelo.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Cali-ruush

Hadalsame Media

Facebook Comments