Injinneer ka tirsan Ciidanka Badda Maraykanka oo xog xasaasi oo ku saabsan gujisyada nukliyeerka u gudbinayey ”dal shisheeye” oo la qabtay (Sida ay FBI-du ninkaa ula ciyaartay)

0

(Hadalsame) 11 Okt 2021 – Injinneer dhanka nukliyeerka ah oo ka tirsan Ciidanka Badda Maraykanka iyo xaaskiisa ayaa la qabtay oo la xirey iyagoo ku eedaysan inay xogo xasaasi oo sir ah iibinayeen, sida ay sheegtay Wasaaradda Cadaaladda Maraykanka.

Jonathan Toebbe iyo xaaskiisa, Diana Toebbe, ayaa la qabtay iyagoo loo haysto inay ku xad-gudbeen Xeerka Tamarta Atoomikada kaddib markii ay isku dayeen inay naqshadda maraakiibta dagaalka ee nukliyeerka ku shaqeeya ay ka iibiyaan qof wakiil ka ah wax loo badinayo awood shisheeye.

Waaxda Cadaaladda ayaa sheegtay in Toebbe, oo haysa fasaxaad ama rukhsad amaan, uu isaga oo aan ka warqabin uu wakiillada FBI-da la wadaagayey xogo xasaasi ah oo ciidan, muddo sanad ku dhowaad ah.

Bishii Diseembar 2020, sarkaal FBI ah ayaa helay xogta qof doonayey inuu asaaso “xiriir qarsoodi ah” oo lala yeelanayo wakiil ka socda dal shiseeyey oo magaciisa lagu koobay “COUNTRY1”, marka la eego dokumentiyada maxkamadda.

Toebbe ayaa bixiyey cinwaan wax lagu soo dirayo oo ku yaalla magaalada Pittsburgh, Pennsylvania, wuxuuna bilaabay inuu bixiyo xog sir culus ah oo uu e-mail kula wadaagayo qof uu u haysto wakiilka dal shisheeye, kaasoo laakiin ah wakiil ka tirsan FBI.

Wuxuu sii wadey wadahadalkii ilaa uu ugu dambayn dhowr bilood kaddib kula heshiiyo in xogaha uu soo diro isna la siiyo kumannaan doollar oo loo bixinayo qaabka loo yaqaan lacag-danabeedka (cryptocurrency).

Deeto wakiilkii is qarinayey ee FBI-da ayaa ninkii u diray $10,000 oo doollar oo cryptocurrency oo uu qaatay Toebbe iyadoo weliba loogu sheegayo inay “tahay mid kalsooni abuuris ah”, taasoo keentay inuu ogolaado inuu safar ku tago meel ku taalla West Virginia iyadoo ay wehlinayso xaaskiisa oo meelaha ka fiirinaysa marka uu meel lagu ballamay dhigayo cajalad aad u yar oo SD ah oo la dhex geliyey lows shiidan oo rooti la dhex geliyey.

Wakiilka FBI ayaa markale Jonathan Toebbe u diray $20,000 oo doollar oo cryptocurrency isagoo soo qaatay cajaladdii SD-ga ahayd, oo ay ku jiraan xogo xasaasi ah oo sir ah oo ku saabsan sida ay u shaqeeyaan curiyeyaasha nukliyeerka ee gujisyada Maraykanka iyo naqshaddooda.

FBI ayaa deeto soo xirtey Toebbe iyo xaasiisa Sabtigii, kaddib markii ay sameeyeen inay 2 jeer oo kale meeshii lagu ballamay dhigaan xogo kale oo xasaasi ah.

Waxaa Diyaariyey: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media