Film-kii abid ugu horreeyey ee Soomaali ah oo u sharraxan Academy Award caalami ah

0

(Hadalsame) 08 Okt 2021 – Filimka uu sameeyey ninka Finnish-Soomaaliga ah ee Khadar Ayderus Ahmed ee ”Xaaskii Qabri-qodaha (The Gravedigger’s Wife) oo bishii Luulyo lagu soo bandhigay Bandhigga Aflaamta Cannes Critics, ayaa noqday filimkii abid ugu horreeyey ee Somalia u gala musharraxnimada abaalmarinta 2022 Academy Awards.

Filimkan ayaa waxaa soo sharraxday Wasaaradda Warfaafinta ee DF Somalia. Waxaa lagu sameeyey Djibouti, waa daraama uu jilayo Omar Abdi oo qabri-qode ah si uu lacag ugu helo xaaskiisa uu aadka u jecel yahay oo kelli u baahan, waxaana xaaska metelaysa moodaladda Soomaali-Canadian-ka ah ee Yasmin Warsame.

Film-ka ayaa lagu jilayaa guri doqosh ah oo ku yaalla Jabuuti iyo jidadka magaalada Jabuuti, oo aan marna horay loogu duubin film micne leh.

Wuxuu filimkani ka mid yahay 3-da filim ee ugu waawayn Afrika ee lagu soo bandhigayo Cannes Official Selection, kuwa kalena waa Lingui oo uu sameeyey soo saare Chadian ah oo la yiraahdo Mahamat-Saleh Haroun iyo mid Rwanda ka yiraahdo Neptune Frost.

Filimka The Gravedigger’s Wife waxaa soo saare ka ah Mark Lwoff iyo Misha Jaari oo u dhashay Finland, gaar ahaan Bufo Productions oo ku taal Helsinki waxaana gacan ka gaystey Pyramide Productions oo Faransiiska laga leeyahay iyo Twenty Twenty Vision oo Jarmanka ah.

Filimkan ayaa horay ugu guulaystey abaalmarin lacageed oo €20,000 oo doollar ah oo laga siiyey Marrakech International Film Festival 2019-kii. Wuxuu kale oo dhowaan ku guulaystey Toronto Film Festival.

Hadalsame Media