Maraykanka oo bilaabay ”dagaal qabow” oo ka dhan ah Shiinaha (CIA oo samaysay dhowr xarumood)

0

(Lengley, VA) 08 Okt 2021 – Madaxa CIA oo Maraykanka ugu qaybsan sirdoonka caalamiga ah ayaa sheegay inuu sameeyey qorsheyaal cusub oo ay ku jiraan 2 howlgal oo gebi ahaanba diiradda saaraya dalka Shiinaha iyo tiknolojiyaddiisa cusub.

Qorshahan cusub oo ay wadayso xarun la yiraahdo The new China Mission Center “ayaa ururin doonta xogo ku saabsan halisaha istaraatijiga ah ee uu Maraykanku qarnigan 21-aad kala kulmayo Shiinaha” sida uu sheegay Agaasime William Burns oo warkiisa laga helay dokumentiyo la dusiyey Khamiistii.

Shiinaha ayaa si isa soo taraysa ugu muuqda mid uu Maraykanku la geli doono dagaal qabow oo u qaab eg midkii Midowgii Soofiyeeti oo dhamaaday horraantii 90meeyadii, waxayna xaaladdu aad u xumaatay markii uu dillaacay cudurka Covid-19 oo uu Trump si wayn ugu eedeeyey China.

CIA ayaa sidaa darteed aad isha ugu hayn doonta Shiinaha iyadoo diiradda saaraysa helitaanka xogaha xasaasiga ah oo ay ku jiraan kuwa tikolojiga ah, waxaana la asaasay xarun la yiraahdo Transnational and Technology Mission Center oo diiradda saaraysa in uu Maraykanku kaalimaha hore uga sii jiro dhanka tartanka sanaaciga ah.

Waxaa sidoo kale ay CIA samayn doontaa laba xarumood oo kale oo loogu tala galay Iran iyo North Korea, kuwaasoo laga samaynayo Bariga Dhow, Koonfurta Aasiya iyo Baasifigga.

Hadalsame Media

Facebook Comments