Goorta la joojiyey in Doollarka dahab lagu saleeyo & sida dunida loogu dhaco warqad lasoo daabacay

0

(Hadalsame) 07 Okt 2021 – Dunida waxaa jira arrimo yaabkooda haddii aad ka fekerto aad wajaqayso, sidaa darteed iyada oo la og yahay la is moogaysiiyo oo aan dadka caadiga ahi ka hadlin. Dollarka Maraykanka ayaa ka mid ah yaabka dunida.

Lacagtan Maraykanku wax ay soo saareen sannadkii 1792. Warqado ay qoraallo iyo sawirro ku xardhan yihiin baa madbacad la gu soo daabacay, tirada mid walba dusha ka qoranna waxaa la gu saleeyay qiimiga dhabta ah ee warqaddaasi lee dahay, kaas oo ah qaddar dahab ah oo ay u taagan tahay. Macnaha qofka haysta warqad Dollar ah wax uu haystaa dahab bangiga u yaalla oo goorta uu doono ku soo beddelan karo. Si kale haddii loo yidhaahdo, Dollarku wax uu caddayn u ahaa dahabka bangiga kuu yaalla.

Sidaas bay ahayd 180 sano, ilaa 1971. Sababtaas buu Dollarku u noqday lacag la ga dabo dhacay oo cid waliba aamintay waxna la gu ka la gato. Hayeeshee sannadkaa 1971 waxaa bilaabatay qisada yaabka badan ee ina wajiqinaysa. Dawladda Maraykanku wax ay soo saartay maalintaa ka dib Dollarku in uuna u taagnayn dahab, warqadaha aad haysataana ayna lahayn qiimi dhab ah, ee ay yihiin wax ku xidhan hadba sida dadku u rabo iyo waxa ay kuu goyso. Si kale haddii loo dhigo, maanta haddii Dollarka la naco, sabab uun, qiimigiisu wax uu ku dhici karaa heerka Shilin Soomaaliga, oo waxaad tahay qof warqdo qashin ah boorsada iyo jeebka ku sita. Ma jirto dammaanad in aad hanti haysatid.

Kol haddii Dollarku aanu lahayn wax qiimi ah oo dhab ah, Bangiga Dhexe ee Maraykanku wax uu u soo daabacaa sida warqadaha musqusha loo daabaco, waayo warqadahaa aan isaga waxba ku joogin buu dhaqaalaha dunida ku soo fuuqsadaa.

Maraykanku kolka uu sidaa yeelayaa waa mar uu dhaqaalihii dunida fuuqsaday, waa mar ay shirkadaha dalkiisu noqdeen awood dunida sandullaysa, waa mar ganacsiga dunidu sida uu u dhan yahay Dollar ku socdo, waa mar shirkadaha waaweyn ee Maraykanka iyo hay’adihiisa IMF iyo World Bank wax walba jaangooyaan. Waa mar aan Shiine iyo Ruush oo aynnu awooddooda iyo loollankooda og nahay Dollarka ka hoos bixi karin, iyada oo iyaga iyo dalal kale sannadahan dambe halgan u galeen in ay lacag aan Dollar ahayn ku ganacsadaan weli silsiladda ku giigsan waa ay ka nuuxsan kari la yihiin.

Bal ka warran goolka Hawd ku dhashay ee Berbera la ga dhoofiyay ee Maka la gu cuni doono in ay waajib tahay in Dollar la gu ka la gato! Bal ka warran foostada naaftada ah ee Jidda la ga soo iibinayo ee bajaajta Xamar ka shaqaysa la gu shubi doono in ay waajib tahay in Dollar la gu ka la gato! Wajaq maahoo?!

Waxaa Qoray: Ibraahim Hawd Yuusuf

Hadalsame Media