“Waa meel ka dhac wayn!” – Xaakimiinta Imaaraadka oo xiriirka Israel uga faa’iidaysanaya inay xaasaskooda basaasaan! (Ceeb dhacday)

0

(Dubai) 07 Okt 2021 – Xaakimka Dubai oo sidoo kale ah RW Imaaraadka ayaa jabsaday telefoonka xaaskiisii hore ee Amiira Haya iyo 5 saaxiibadeed ah isagoo adeegsanaya barnaamijka ay abuurtay shirkadda Israeli ga ah ee NSO Group ee Pegasus Spyware.

Arrintan oo uu xukumay garsoore sare oo British ah, ayaa waxaa haatan kashifay The Guardian tiiyoo uu xukunku dhacay 5tii Maajo ee sanadkan.

Jabsiga ayaa dhacay xilli ay Princess Haya iyo Sheikh Mohammed ay dacwo isu haysteen ay ka socotey London iyagoo ku doodayey kii haynaya carruurta ay isu dhaleen.

Garaoore Sir Andrew McFarlane, MW Maxkamadaha Sare ee UK gaar ahaan qaybta qoyska, ayaa si aad ah u dhaleeceeyey Sheikh Mohammed.

“Waa meel ka dhac wayn, ku takrifal awoodeed iyo tacaddi cad oo dhanka aaminaaddii umadda ah ilaa xad.” ayuu yiri.

Telefoonka Haya ayaa 11 jeer loo dhacay bilihii Luulyo ilaa Agoosto ee sanadkii tegey iyadoo sidoo kale loo dhacay telefoonnada 2 ka mid ah qarreennadeeda kuwaasoo ay ku jirto Lady Shackleton, oo ku jirta Aqalka Sare ee UK ee House of Lords.

Labadan waalid ayaa isku haysta carruurta Latifa iyo Shamsa kaddib markii ay ka baxsatay xaaskiisa Amiira Haya.

Dad badan ayaa is waydiinaya in halganka iyo dedaalka ugu wayn xaakimiinta Carabtu ay noqotay inay xaasaskooda basaasaan iyagoo gacan ka helaya Israel oo arrintaa ku rakaatayn karta.

Hadalsame Media