Dokumentiyo sir ahaa oo haatan la faafiyey oo kashifaya dalkii Carabta kula taliyey inay Israel weeraraan 6-dii Okt 1973-kii

0

(Hadalsame) 06 Okt 2021 – Dukumiintiyada Britain ayaa shaaca ka qaaday in midowgii Soofiyeeti “ay kula taliyeen madaxweynihii geeriyooday ee Masar, Anwar Sadat, inuu doorto oo uu duullaanka qaado 6 Oktoobar 1973” si uu uga gudbo Kanaalka Suweys una bilaabo weerarka ciidanka Israa’iil ee qabsaday Sinai.

In la qaato go’aanka ah in weerarka uu dhaco maalin Sabti ah oo ku beeganayd maalinta ay dabaaldagaan Yuhuudda ee loo yaqaano Yom Kippur.

Weerarkii lagu beegay maalintan oo sidoo kale ahayd 10-ka bisha Ramadaan, waxay ka mid ahayd waxyaabaha la yaabka leh ee naafeeyey Israa’iil, maalmihii hore ee dagaalka.

Dhowr bilood ka dib dhammaadkii dagaalka, Ururka gaashaanbuurta “NATO” wuxuu sameeyay daraasad ku saabsan dagaalka, waxayna ujeeddada ahayd si “casharro looga barto” waxaana loo arkayay in dagaalkaas uu u dhaxeeyo Nato iyo gaashaanbuurtii kale ee, oo uu hoggaaminayey Midowgii Soofiyeeti.

Daraasaddan waxaa u xilsaartay Taliska Bartamaha Yurub ee NATO oo uu madax ka ahaa Britain, saldhiggiisuna yahay Jarmalka iyo waaxda sirdoonka ee isla gobolkaas.

Sida laga soo xigtay natiijadii daraasadda, Soofiyeedka waxay door wayn ka qaateen saamaynta lagu caawiyay qorsheeyayaashii Masaarida inay si adag u hirgeliyaan iyo qorshaha khiyaanada ahaa, kaas oo yimid ka dib markii si taxaddar leh loo darsay khibradda guuldarrada ka dhanka ahayd Israa’iil ee Dagaalkii 6 Maalmood ee bishii Juun 1967.

“Weerarkii lama filaanka ahaa”

Natiijooyinka, oo loo gudbiyay taliska NATO bishii Maarso 1, 1974 islamarkana ahaa mid ka mid ah dukumiintiyada sida aadka ah loo qariyay ee isbahaysiga, ayaa leh: “Falanqaynta Carabta, oo ay hagayeen la-taliyeyaashii Ruushka, dagaalkii Juun 1967 waxay muujisay in Carabta ay doonayeen inay gaaraan nooc kasta oo guul ah oo ka dhan ah Israa’iiliyiinta.

Waxaa weerarka xilligaasi laga lahaa dhowr u jeedo.

Midda hore: In la qariyo ujeedooyinkii qarsoonaa iyada oo la abuurayo xaalad siyaasadeed iyo mid militari oo aan u horseedaynin in weerar ay soo qaado Israa’iil oo horudhac ah.

Ta labaad: in ay weerarkooda qaadaan kahor inta aysan dhammaystirmin abaabulkii Israa’iil.

Macluumaadka sirdoonka NATO, wakhtigaas, waxay tilmaamayaan in “intii lagu guda jiray daraasaddii Masaarida ee dagaalkii Juun, la-taliyaha sare ee Ruushka, General Vasiliovich, uu ku taliyay in xilliga Yom Kippur uu yahay waqtiga ugu wanaagsan ee la weerari karo Israa’iil si ay kadis ugu noqoto”.

Madaxwayne Anwar Saadaat oo la taagan saraakiisha Masar
Madaxwayne Anwar Saadaat oo la taagan saraakiisha Masar

Talada waxay ku salaysnayd xaqiiqada ah in maalinta (Yankabur) noloshu gebi ahaanba istaagto marka loo eego hab-dhaqanka dadka Israa’iil.

Waxaa warbixinta sirdoonka lagu yiri, “Maalintaas, dadka deggan Israa’il waxay joogaan guriga iyagoo fikiraya, sooman, idaacadduna waa la xiraa.”

Natiijooyinka daraasadda NATO ayaa lagu yiri “iyadoo la dooranayay 2 duhurnimo ee maalinta Yom Kippur, waxay in maalintaas iyo waqtigaas lagu aadiyay ay la yaab ku noqotay Israa’iil.

Cunsurka yaabka leh waa ka sii badan yahay. Haddii weerar uusan dhicin waaberiga, waxaa jiro arrimo u janjeero dhanka nasashada. Dhinaca kale, weerarka fiidkii wuxuu bixiyaa iftiin yar, taas oo aan wax ka taraynin ka faa’iidaysiga guulaha hore.

Weerarkan ayaa Israa’iil ku noqday mid la yaab leh islamarkana waxay ku qaadatay in ay ka jawaab bixiyaan maalmo.

Waxyaabaha ay sida gaarka ah u xiisaynayeen khubarada NATO waa suurtagalnimada ah in Midowgii Soofiyeetka uu aad uga warqabay qorshayaasha madaxwaynihii Masar ee xilligaasi Anwar Sadaat.

Daraasadda waxay daaha ka qaadday in dayax-gacmeedyada sirdoonka Soofiyeetka “ay la socdeen xaaladda”.

Maraykanka wuxuu adeegsaday dayax-gacmeedyadiisii, sida uu markii dambe shaaca ka qaaday Xoghayihii Arrimaha Dibedda ee Maraykanka ee xilligaas Henry Kissinger, isagoo ku hagayay Israa’iiliyiinta halka ay ku wajahan yihiin weerarada ugu waaweyn ee Masar.

Daraasadda NATO waxay daaha ka qaadaysaa in dayaxgacmeedyadii Soofiyeetka “ay u suurta-gelisay Carabta, dagaalka ka hor, inay hubiyaan dhaqdhaqaaqyada Israa’iil ee lama degaanka Siinaay, iyo inay mar dambe arkaan, ayna markii dambe arkeen Israa’iiliyiinta oo billaabay inay u dhaqaaqaan galbeedka, taasi oo halis ku ahayd Qaahira.”

Waa maxay muhiimadda dukumiintiyadan sirta ah?

Jimcihii 12 October, lix maalmood ka dib bilawgii dagaalka iyo ku guuldaraysiga ciidanka Israa’iil in ay difaacaan goobihii ay kaga hortageen ciidamadii Carabta, Maraykanka wuxuu bilaabay in uu dajiyo qorsho uu hub casri ah ugu geeynayo Israa’iil, intii uu dagaalka socday, si looga fogaado Waxa Kissinger ku tilmaamay musiibo.

Daraasadda NATO waxaa ku jiray falanqayn sirdoon oo ku saabsan waqtiga iyo qaababka taageerada Mareykanka ee Israel, iyo Soofiyeedka Masar iyo Suuriya.

Waxay daaha ka qaadaysaa daraasadda in mugga taageerada Soofiyeetka ee Carabta ay aad uga weyn tahay kana muhiimsan tahay waxa laga ogyahay, dagaalkaas oo afar sano ka dib Sadat uu albaabada u furay heshiis u dhexeeya Carabta iyo Israa’iil, ka dib booqashadiisii taariikhiga ahayd ee Qudus ee November 1977.

Madaxweyne Anwar Sadat wuxuu go’aansaday, July 17, 1972, inuu “soo afjaro hawlgalka” khubarada militariga Soofiyeet ee Masar, kuwaas oo dalka Masar keenay Jamal Cabdi Naasir si ay gacan uga geystaan dib u dhiska ciidamada qalabka sida ee Masar ka dib guuldaradii dagaalkii ee 1967 ee ka dhanka ahaa Israa’iil.

Sadaat, sida ku cad dukumiintiyada Britain ee hore loo saaray, wuxuu si rasmi ah ugu sheegay in UK ay ka dhab tahay in uu dib u eego xiriirkii uu la lahaa Midowgii Soofiyeet.

Khubarada NATO ayaa isbarbar dhig ku sameeyay taageerada Mareykanka iyo Midowgii Soofiyeeti – labada dhinac ee iska soo horjeeday – taas oo muujineysa xaqiiqada ku saabsan taageerada Moscow ee Carabta, in kastoo Sadat uu mowqifkiisa ku dhawaaqay.

Marka la eego taageerada Mareykanka, uu u fidiyay Israa’iil waxay ahayd mid ballaaran.

“Waxay fuliyeen 570 hawlgal militari iyo in ka badan 13,000 oo saacadood oo duulimaad ah, kuwaas oo 22,000 tan oo hub casri ah u qaaday Israa’iil.”

Wasiirkii gaashaandhiga Israa'iil ee xilligii dagaalka iyo saraakiil kale

Wasiirkii gaashaandhiga Israa’iil ee xilligii dagaalka iyo saraakiil kale

Xogta NATO ayaa tilmaamtay in “Diyaaradaha Ciidanka Cirka ee Maraykanka ay bilaabeen in ay kaalintooda ka qaataan dagaalka, laga bilaabo October 16 iyo wixii ka dambeeya, iyagoo qaadayay ilaa 1,000 tan maalintii, kuna safraya 10,400 kiiloomitir badweynta Atlantic iyo Galbeedka Yurub”.

Waxay ku soo gunaanaday “xaqiiqda dhabta ah ee ah in dhinaca Carabta ay lahayd cutubyo badan oo qaran waxay muujisay baahida loo qabay iskaashi wanaagsan.”

Waxay daaha ka qaadday in tirada badan ee ciidammada Carabta ee ka qaybgalay dagaalka ay saamayn taban ku yeelatay guulaha ay gaareen ciidamada Masar iyo Suuriya maalmihii ugu horreeyay ee dagaalka.

Macluumaadka NATO ayaa sheegay in heerka iskaashiga iyo isku-duwidda ciidamada Carabta uu hooseeyo.

Isha: BBC Somali

Hadalsame Media