TELEFOONKA CAS: Maxaad ka ogtahay khadkii qarsoodiga ahaa ee ay ku xiriiri jireen Maraykanka & Midowgii Soofiyeeti mudadii uu socdey “Dagaalkii Qaboobaa?”

0

(Hadalsame) 06 Okt 2021 – TALEEFANKA CAS: Soddon sano ayaa laga joogaa dhamaadka dagaalkii qaboobaa. Wuxuu ahaa dagaal dhowr iyo afaratan sano socdey oo Shiinuhu uu dibadda ka ahaa. Muddadaas waxaa jirey wax la yiraahdo taleefanka cas (Red Telephone). Wuxuu ahaa khad taleefan oo u gaar ah hoggaamiyayaasha labada dowladood ee ugu xoogga-weynaa xilligaas dunida (USA & USSR). Khaddaas waxay ahayd mid si joogto ah u furan oo xiriirineysey masuuliinta ka shaqeeya arimaha istraateejiyadda ee aqalka cad iyo aqalka cas. Arintaasi waxay dunida ka badbaadisey hoogga uu leeyahay dagaal leysu adeegsado hubka nukliyeerka ah. Hadda waxaa is-beddeley is-le’egtii cayaarta dowladaha waaweyn.

Shiino oo aanan horey ugu jirin fagaaraha taleefanka cas ayaa ku soo biirtey oo la soo baxdey aqood dhaqdhaqaaq ciidan iyo weerar elektroonik ah. Arimahaasi waxay muujinayaan damaca xooggan oo Shiinuhu leeyahay iyo hanka galey.

Tan iyo Jimcihii la soo dhaafay, dowladda Shiinaha waxay ku soo xad-gudubtey aagga xuduudda hawada ah ee dalka Taiwaan 155 jeer. Tiradaas oo ah duulimaadyo ay sameeyeen dayuurado dagaal oo Shiinuhu leeyihiin. Waa arin si aad ah looga walaacsan yahay arinkaas. Muddada sagaalka bilood ah ee sanadka, in ka badan 500 oo duulimaad oo noocan oo kale ah ayuu dalka Shiinuhu ku xad-gudbey dalkaas. Dagaalka cusub ee labada bad-weyn (Indo-Pacific War) intuusan curan, Mareekanka waxaa ku imanayay cadaadis ku riixaya in ay dagaal la gasho Shiinaha. Odeyaasha u naqshadeeya siyaasadda waxay wajahayaan xaqiiqada adag ee ah halista ka dhalan-karta dagaal ay la galaan shiinah. Arintaasi waxay wadataa guul-darrooyin ciidameed oo lagu dhowaanayo in leysu adeegsado hubka sida ba’an wax u gumaada.

Dhab ahaan Mareekanku hadda diyaar uma ahan in uu qaado dagaal laga filan karo in Shiinuhu uu ku adkaado. Waxaase hubaal ah in ayan jiri doonin doorasho lagu farxo haddii Shiinuhu ugu dambaynta uu ku guuleysto mashruuca handadaadda tobaneeyada sano soo socdey ee uu ku doonayo in uu ku qabsado Taiwaan. Markaas Mareekanku wuxuu ku khasbanaanayaa in uu laba daran kala doorto. In uu doorto go’aan kharaar oo fool-xumadiisu ay tahay in uu isu-dhiibo doonista Shiinaha uu kula wareegayo degaanka, ama in uu doorto dagaal ay muuqato in uu ku halis gelinyo jiritaankiisa. Waxaa jira dareen dheeri ah oo ka dhex mowl-leh masuuliinta Mareekanka iyo kuwa haga ra’yiga dad-waynaha. Dareenku wuxuu yahay, haddii uu Shiinuhu dagaal ku qabsado Taiwaan, in Mareekanku uu dagaal furan la galo dalka Shiinaka. Gabadha la yiraahdo Kathleen Hicks oo ah ku xigeenka xoghayaha difaaca ee Mareekanka, kudbad ay jeedisey 2-dii bishan waxay sheegtey: haddii Shiinuhu ay weeraraan Taiwaan, in Mareekanku uu leeyahay awood ku filan oo uu horey ugu sikado degaanka si uu u hor-joogsado suuragal walba oo noocaas ah.

L/ Col. Daniel L. Davis waa sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada Mareekanka, kaas oo ka soo qayb-galay dagaalladii Ciraaq iyo Afgaanistaan. Billad-sharafeedda lagu magacaabo xiddigta Bronze (Bronze Star) ayuu ku qaatey howlihii uu ciidanka u fuliyey. Haddana wuxuu xubin ka yahay xarunta golaha tashiga macluumaadka dagaalka (Center of Defence Information Advisory Board). Maqaal uu soo qoray 5/ 9- 2021, wuxuu ku yiri:

“ Kathleen Hicks, ama ha ahaato mid aanan ogeyn tabar-darrida xilli-dagaalka labada bad-weyn ee aanu faafiney (bad-weynta Hindiya iyo bad-weynta baasifigga), ama ha ahaato mid aanan dareensaneyn awoodda Shiinaha uu ku leeyahay xeebihiisa. Mid ay tahayba, annagu ma hayno xaalad aanu ku damaana qaadi-karno in aanu hor-joogsanno weerarka Shiinuhu uu ku damacsan yahay Taiwaan “.

Horraantii sannadkan, wakiillo ka tirsan aqalka sare ee Mareekanka ayaa madax-weyne Joe Baisen waxay u soo bandhigeen xeer lagaga hor-tegayo duulaanka Shiinaha oo lagu difaacayo Taiwaan. Senator Rick Scott iyo Senator Guy Reschenthaler waxay rajo xoog leh ka qabaan in madaxweynuhu uu oggolaanayo in Taiwaan lagu difaaco xoog. L/ Col. Daniel L. Davis, wuxuu sheegayaa in laga hor-tago fikradda caynkan ah. Isagu wuxuu horey u xusey in yan jirin xaalad maan-gal ah oo Maraykanku ku dambayn karo meel ka fiican oo ka ammaan badan kadib haddii uu dagaal la galo Shiinaha. Waxa ugu wanaagsan ee la rajayn karo waxay noqonayaa guul aan dhammaad lahayn, taas oo lagu khasban yahay in lagu xardho in Mareekanku noqdo ciidanka difaaca joogtada ah ee Taiwan. Taasina waxay u baahan tahay boqolaal bilyan oo dollar sannadkii. Waxaa weheliya shardi ah in la diyaariyo ciidankii geli lahaa weerarka laga filan karo Shiinaha si looga hor-tago.

Natiijada ugu foosha-xun ee dagaal dhaca laga filanayo waxay noqoneysaa guuldarro ku habsata ciidamada Mareekanka, taas oo ugu danbeyn uu Shiinuhu ku guuleysto. Qiimaha khasaaruhu wuxuu noqonayaa dayuurado badan oo la soo rido, maraakiib badan oo la quusiyo iyo askar badan oo ku dhamaada. Waxaa jira arin intaas ka khatarsan oo waa iyada oo leysu adeegsado awoodda hubka halista ah. Sidaa darteed doorashada ugu wanaagsan oo dad-waynaha Mareekanka hor-yaal wuxuu yahay in dowladdooda ay u diidaan in ay dagaal furan, dalka Shiinaha kula gasho Taiwaan darteed.

Qore: Dr. Saadiq Enow
Saadiq.enow@gmail.com

Hadalsame Media