“Waa noo diideen!” – Dal Muslim ah oo hawadiisa uga dhaartay dayuuradaha dagaalka Faransiiska

0

(Aljeeris) 03 Okt 2021 – Algeria ayaa u yeeratey Danjireheedii Paris kaddib markii ay MW Faransiiska ee Emmanuel Macron ay ku eedeeysey hadal meel ka dhac ah oo ku saabsan xasuuqii uu ka gaystey dalkaasi oo mustacmarad u ahaan jirey.

Dowladda Algeria ayaa sidoo kale hawadeeda ka xiratey dayuuradaha dagaalka ee Faransiiska.

Algeria ayaa sheegtay in Faransiisku uu sidoo kale ku hayo faragelin arrimaha gudaha ee dalkaasi.

Dayuuradaha France ayaa si joogto ah u adeegsada hawada Algeria marka ay u socdaan Gobolka Saaxil ee Galbeedka Afrika oo ay ka wadaan howlgalka Barkhane.

“Saaka markii aan isku daynay in aan 2 dayuuradood Algeria dul marinno waxay noo sheegeen inay joojiyeen dayuuradaha ciidanka Faransiiska ee dul marayey.” ayuu yiri Afhayeen u hadlay France, Colonel Pascal Lanni, oo la hadlay AFP isagoo sheegay inaysan tillaabadani saamayn doonin howlgalkooda.

Ciidanka Algeria arrintan kama hadlin.

Hadalsame Media