”Waa wada gubteen!” – Lars Vilks oo sameeyey kartuunno loogu gefayo Nabi Muxamed (NNKH) oo ku dhintay shil yaab leh

0

(Markaryd) 04 Okt 2021 – Farshaxan Swedish ahaa oo hadda kahor 2 jeer ka badbaadey isku day dil kaddib markii uu sameeyey kartuun uu ugu gefayo Nabi Muxamed (NNKH) ayaa ku dhintay shil gaari oo cabsi leh.

Lars Vilks, 75-jir, ayaa Axaddii gubtey kaddib markii isaga iyo booliis ilaalinayey ay mareen jid khaldan oo ay deeto isku malaasmeen gaari taraag ahaa.

Gaarigii ay saarnaayeen iyo taraaggii ayuu dab wada qabsaday, iyadoo isbitaalka loola cararay darawalkii taraagga oo 45-jir ah oo si xun u dhaawacmay.

Laba askari oo ka tirsanaa Booliiska Sweden oo ku qaybsanaa ilaalinta Vilks ayaa iyaguna xijaabtey, sida uu qorayo Expressen.

Sababta shilka ayaa haatan la baarayaa, iyadoo uu shilku dhacay in yar kahor 3pm xilli ay ku sugnaayeen Markaryd, oo ka tirsan Gobolka Kronoberg, Sweden.

Darawalka taraagga ayaa markiiba loogu yeerey dayuurad kuwa qumaatiga u duula ah oo aambalaas ah, iyadoo la xirey qaybtii uu shilkani ka dhacay oo ah Jidwaynaha E4, waloow in yar kaddib la furay. Waxaa la sheegay in gaariga sidey Vilks uu ku socdey xawaare dhaaf markii uu hoos gelayey gaariga taraagga ah, waxaana markiiba qabsaday dab aad u gubey gawaarida.

Vilks oo dhowr mar loogu gooddiyey in la dilayo ayaa 2007-dii caan ku noqday aflagaaddada Nabi Muxamed (NNKH) oo uu ka sameeyey kartuun uu eey ku misaalayo.

Hadalsame Media