Kenya oo si rasmi ah ula wareegtey madaxtinnimada Golaha Ammaanka & waxa ay uga dhigan tahay Dacwadda Badda ee lagu go’aamin rabo ICJ

0

(Hadalsame) 02 Okt 2021 – Kenya ayaa shalay la wareegtay madaxtinnimada Golaha Ammaanka ee Qamarada Midoobay, iyadoo durba soo qaban qaabisay afar munaasabado heer sare ah.

Martin Kimani oo ah Wakiilka Joogtada ah ee Kenya u fadhiya Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shalay si rasmi ah ula wareegay madaxtinnimada muddada halka bil ah ee Golaha, wuxuuna sheegay in Madaxweyne Uhuru Kenyatta uu 12-ka iyo 28-ka bishan khudbad ka jeedin doono kulamada sare ee dhismaha nabadda iyo iskaashiga u dhaxeeya QM iyo ururro-goboleedyada.

“Madaxweynuhu wuxuu martigelin doonaa dood furan oo hal ku dhiggeedu yahay; ‘kala duwanaanta, dhismaha dalka iyo baadigoobka nabadda’ taas oo qeyb ka ah ajandaha dhismaha nabadda, sidoo kalena 28-ka October waxaa jiri doonta dood heer sare ah oo ku saabsan iskaashiga u dhaxeeya QM, ururro-goboleedyada iyo ururrada ka sii hooseeya,” ayuu yiri safiir Kimani xilli uu khudbad ka jeedinayay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta Qaramada Midoobay ee magaalada New York.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Kenya Raychelle Omamo ayaa iyaduna khudbad ka jeedin doonta Golaha Ammaanka 20-ka iyo 21-ka bishan, iyadoo ka hadli doonta arrimaha dagaallada iyo ku lug lahaanshaha haweenka ee nabadda iyo ammaanka.

Safiir Kimani ayaa sidoo kale hoosta ka xarriiqay howlo kale oo ay Kenya garwadeen ka tahay oo ay ka mid yihiin booqashada dalalka Mali iyo Niger laga bilaabo October 22 ilaa 26.

Golaha ayaa sidoo kale muddadaasi qiimeyn ku sameyn doona horumarka laga gaaray howlaha nabad ilaalinta ee dalalka ay colaadaha ka taagan yihiin sida howlgalka AMISOM ee Soomaaliya iyo UNMIS oo la aasaasay sanadkii 2005 si ay u taageerto heshiiskii Sudan iyo Suudaanta Koofureed.

Wuxuu sheegay in Kenya ay ka go’an tahay u ololeynta sharafta aadmiga, isagoo wacad ku maray in inta ay xilka heyso ay Kenya sidoo kale ka hadli doonto meel ka dhaca xuquuqda aadanaha.

Muxuu qabtaa Madaxweynaha Golaha Ammaanka?

Doorka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxaa ka mid ah qabashada shirarka Golaha Ammaanka, ansixinta ajandayaasha (uu soo jeediyo xoghayaha guud), guddoominta shirarka, go’aan ka gaaridda su’aalaha la xiriira siyaasadda iyo ka sii war qabka xasarad walba oo imaan karta.

Madaxtinnimada Golaha waxaa bil walba si wareegto ah u qabta mid ka mid ah dalalka xubnaha ka ah, iyadoo dalalka sida ay u kala horreeyaan loo eegayo xarafka uu ka billowdo magacooda, iyadoo la tix raacayo xarfaha Ingiriisiga.

Madaxtinnimada Kenya ee Golaha Ammaanka ma saameyn kartaa kiiska muranka badda?

Dowladda Kenya ayaa bishii March ee sanadkan isaga baxday dhageysiga kiiska muranka badda ee kala dhaxeeya Soomaaliya ee yaalla maxkamadda caalamiga ah ee ICJ , iyadoo sheegtay in cabashooyinkeeda ay u gudbineyso Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Sida ay warbaahinta Kenya ku warrantay dowladda Kenya ayaa sabab uga dhigtay arrintan inay ka cabanayso in maxkamadda aysan si xaq ah ula dhaqmin Kenya iyo in maxkamadda aysan doonayn in ay tixgaliso codsiga Kenya ee ah in dib loo dhigo dhageysiga kiiska iyada oo sabab looga dhigayo feyriska Corona.

Maxkmadda aya lagu wadaa inay soo saarto go’aankeeda 12 October, sida ay dhawaan shaacisay, wuxuuna go’aankaasi so baxayaa inta ay Kenya hesyso madaxtinnimada wareegta ee Golaha Ammaanka. Balse ma cadda saameynta ay arrintaasi ku yeelan doonto fulinta go’aan kasta oo ka so baxa dacwadda badda ee ay Kenya kal hore isaga baxday.

Maxkamadda ayaa inta badan go’aanada ay gaarto fulintooda waxay ku tashataa oo ay isku haleysaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey si loo xaqiijiyo in la xushmeeyo oo loona hogaansamo go’aanadeeda.

“Labaduba Kenya iyo Soomaaliya waxay saxiixeen heshiiska Qaramada Midoobay ee 1982-kii oo ay ku jirta shuruucda badda, oo suuragelinaya hannaan sharci oo lagu xalliyo murannada badda. ICJ ayaa ah goobta saxda ah ee arrintaasi lagu xallin kara ee ma ahan Midowga Afrika ama Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay”, ayuu yiri Cali Cumar oo ah xildhiban horana u ahaa agaasimaha madaxtooyada Soomaaliya.

Andrew Franklin, oo ah falanqeeya arrimaha Afrika ayaa yiri, ” Waa arrin xiiso leh oo aan ka war sugeyna sida Golaha Ammaanka (oo ay Kenya hoggamineysa) ay uga jawaab celiyaan go’aanka maxkamadda ICJ ee muranka badda.”

Kenya ayaa sidoo kale iminka xubin aan joogta ahayn ka ah Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Isha: BBC

Hadalsame Media